Wasiir Cadaani oo Xisbiga WADDANI ku Eedeeyey in ay Dalka ka wadaan Falal Amni-daro ah

0
1123

“Dadku WADDANI way barteen oo way ka ilbaxeen shugux shuguxda aad ruxdaan marka aad dantiina ka dhex waydaan danta ummada” Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta.

Wasiirka Wasaarada Warfaafinta iyo Wacyigalinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), ayaa xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ku eedeeyay inay u dhaqamayaan sidii jabhadaha oo kale oo ay doonayaan inay dalka ka ridaan qas iyo dagaal.

Wasiirka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa, waxa kale oo faahfaahin ka bixiyay faa’iidooyinka Somaliland ugu jira hirgelinta saldhiga Millatari ee dawladda imaaraadka carabtu doonayso inay ka samaysato Berbera, waxaanu xusay in saldhigaasi bilow u yahay sidii ay Somaliland uga bixi lahayd go’doonka siyaasiga ah ee ka dhashay ictiraaf la’aanta.

Wasiir Caddaani oo shirkaas jaraa’id ka hadlay waxa uu si adag u naqdiyay hadallo xanaf lahaa oo ka soo yeedhay xildhibaanno iyo siyaasiyiin ka tirsan xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi, “Waxa xisbiga WADDANI ka shubayo warbaahinta may ahayn wax mucaaradnimo lagu sheegi karo, balsé waa kuwo lid ku ah qaranimada Jamhuuriyada Somaliland,madaama oo shacabku ugu baaqayaan dagaal. waxa xisbiga WADDANI ka doortay doorkiisii mucaaradnimo mid jabhadeed oo halkii cod lagu kala calaf qaadi lahaa ay ka door-bideen inay dagaal ugu baaqaan shacabka la lag-damaya abaaraha baahsan.

Mucaaradku hadduu ka gudbo xuduudaha sharci ee uu xaqa u leeyahay ha ogaadaan in aanay ku helayn abaabul dagaal xuquuqdii mucaaridku lahaa oo ahayd wax toosin. Mar iyo laba ka badan inta jeer ee siyaasiyiin ka mid ah hormuudka xisbiga WADDANI ku dhaqaaqeen iska hor keenka shacabka Somaliland iyo xukuumadda, sida khuraafaadkii ay ka faafin jireen markii lagu dhawaaqay in waddada Ceerigaabo la samaynayay iyo markii maalgashigii dekeda Berbera sahaminta shiidaalka iyo Mashruuca banka Qoolcaday la waday, hasa ahaatee way soo gaabatay beentoodii tan maantuna waxba ka duwan-na beentii ay sheegi jireen,shacabkayaga annaga (Xukuumadda) ayaa xil naga saaran yahay in aanu u galno meel kasta oo dantooda iyo ta qaranku ku jirto,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu.

Wasiirka oo hadalkiisa sii watay, wuxuu intaas ku daray;

“Dadkuna (WADDANI) way idin barteen oo way ka ilbaxeen shugux shuguxda aad ruxdaan markaa aad dantiina ka dhex waydaan hawl kasta oo danta ummada ah. siyaasiinta xisbiga WADDANI ee warbaahinta la soo taagan ma dawlad baynu nahay iyo ma dawlad baa jirta,waxa aanu leenahay dawlad ayaa dawlad kale heshiis la gasha,ummada Jamhuuriyadda Somaliland way ogyihiin in dawladi jirto, waxa aan leeyahay dawlad baanu nahay ee haddii aydaan aaminsanayn halka qalbigiinu jecel yahay taga malaha sida la idinku xanto waaba Xamare’.

xisbiga WADDANI waxa uu ku yidhaahdo umadda soo baxa mudaharaada oo dagaalama wax loo baahan yahay maaha. haddii aanay dantooda hoose ahayn in dalka Somaliland ee ku caano maalay nabadgelyada, qas, khalkhal iyo maalmihii madoobaa ay dib ugu celiyaan.Xildhibaannada WADDANI ka tirsan ee qaylinaya iyo madaxda xisbigaas ee ku baaqaya in dagaal la galo, maalmahaas madowna hore ayaa loo soo maray, wax laga aqbalayo iyo wax laga dhagaysanayo midna maaha.”

Wasiirku waxa uu sheegay in labada gole ee Baarlamaanka (Guurtida iyo Wakiillada) ay u gudbin doonaan heshiiska xukuumadda ee la xidhiidha saldhiga imaaraadka carabta,

“Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa ay keenayaan heshiiska saldhiga madaarka Berbera golayaasha xaqa u leh in la hor keeno, waxaanay xukuumaddu u soo bandhigaysaa ummada Somaliland meel kasta oo ay joogaan heshiiskaas,waxa uu ka kooban yahay iyo nuxurkiisu waxa uu yahay, waxaana ay u taallaa diidmadiisu iyo ansixintiisuba Golaha Baarlamaanka,waxa alaale wax aanu shaki ka qabnaa haddii aanu nahay xukuumadda ma jirto. wax loo igmaday ma jirto ragga suuqa jooga ee wax is moodaya. tallo ayay ku leeyihiin,dalkana waxa loo igmaday madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne ku-xigeenka. Shaqada ugu wayn ee madaxweynuhuna waxa weeye in dalka Jamhuuriyadda Somaliland nabadgelyo lagu seexdo , laguna soo tooso. ka doonaya in uu khalkhal ka rido u suurto-geli mayso. shuruuc ayuu dalku leeyahay adiga oo xisaanad ku gabanaya haddii aad dalka khalkhal gelinayso iyo nabadgelyadiisa shuruucda Somaliland u taalla ayaa lagu marinayaa,”ayuu yidhi Wasiir Caddaani.

Wasiirku waxa uu xusay in saldhiga millatari ee laga hirgelinayo Berbera aanu ahayn mid waxyeelo u leh dalka, hasayeeshee uu fure u noqon doono maalgashi iyo aqoonsi Somaliland ka hesho caalamka, waxaanu yidhi, “Saldhiga ciidan ee ay innaga codsadeen dalka imaaraadka carabtu ee madaarka Berbera ee aynu wadaagno diin, dhaqan iyo xidhiiidh ganacsi, maaha mid dalkeenna lagu qabsanayo oo ah beenta mucaaradku ku beer laxawsadaan shacabka Somaliland,balse waa dariiq innaga saaraya go’doonka aynu ka nahay caalamka mar haddii aynaan aqoonsi wali haysan. Mashruucani wuxuu inoo soo jiidayaa maalgashi baaxad leh oo fure u noqda aqoonsi aynu caalamka ka helno.”

Wasiirku waxa uu tafaasiil ka bixiyay faa’iidooyinka saldhigan ugu jira Somaliland, waxaanu yidhi, “Saldhigan Millatari waxa kale maahee waa iskaashi dhinacyo badan faa’iidooyinkiisuna waa qaar aad u ballaadhan oo ay ka mid yihiin dhinaca nabadgelyada. waxa uu kor u qaadayaa ciidanka qaranka Somaliland tayayntooda waxaanay tababaro casriya oo ciidankeennu ka helayaan. Waxa kale oo ku jirta ilaalinta xeebteenna dheer ee 850 km ah, waxa aynu ku ilaalinaynaa khayraadka baddeenna ee adduunka oo dhammi gurtaan.
Saldhigani waxa kale oo uu wax ka tarayaa la dagaalanka budhacad badeedda iyo argagixisadda. Waxaanu innaga saacidayaa dhinaca dhaqaalaha waxaa la samaynayaa waddada isku xidha Wajaale iyo Berbera oo lacagta ku baxaysaa ay tahay 260 ilaa 300 oo milyan oo doollar,waxa ku jirta shaqo abuur ballaadhan.”
“Waxa saldhigani innoo horseedayaa shaqaale badan oo ka shaqayn doona oo wax ka tari doona shaqo la’aanta ballaadhan ee dhallinyaradeenna haysata,waxaanu wax ka qaban doonaa tamarta haddii ay tahay Soolarka, cad-ceeda iyo tacliinta sare. waxa la inoo dhisi doonaa dugsiyo farsamo, waxaynu deeqo waxbarasho ka heli doonaa dawladda imaaraadka carabta. waxa kaloo ku jira maalgashi aad u ballaadhan ayaa ka abuurmi doona saldhigan. waxa kale oo ku jira dhakhaatiir tababari doona dhaakhaatiir teenna ,waxa aynu nahay dal aan la aqoonsanayn oo 25 sanno sugayay aqoonsi laakiin ku jooga waddadii aynu ku heli lahayn aqoonsiga. waxa aynu nahay dal aan awoodiisu ilaalin karin xeebta dheer ee dalka, waana in loo diyaar garoobo dhismaha iyo tayaynta ciidammadda dalka,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafinta, oo shirkaasi jaraa’id si waafi ah uga wada jawaabay su’aalo kala duwan oo saxaafaddu ka weydiiyeen heshiiskan.