Wasiirka Khaarajiga:“Saldhigiyada milatariguna welwelkooda iyo manfacoodaba way leeyihiin”

0
858

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire, ayaa xaqiijiyey in Dawladda Imaaradka Carabtu ay Saldhig Millateri ka dhisanayso Magaalo xeebadka Berbera, isaga oo xusay in go’aan qaadashada uu leeyahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Silaanyo iyo golaha sharci dejintu.

Dr. Sacad oo maanta  warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa aya sheegay dawladda Isu-taga Imaaraadka Carabtu ay xukuumadda Somaliland waydiisatay saldhig millatari oo ay ka samaysato garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, waxaanu yidhi,  “Waa run, way jirtaa in dawladda Imaaradku ay na waydiisatay saldhig millateri, waana war la wada ogyahay, Waddanka Imaraadku waa wadan aynu saaxiib nahay,  wayna is waydiistaan wadamada saaxiibka ahi Saldhig mellateri, go’aanka saldhiga waxaa iska leh madaxweynaha iyo labada gole baarlamaan.”

Wasiirku waxa kale oo uu ka hadlay walaac la sheegay in dawladda Itoobiya ay ka qabto saldhiga Millateri ee dawladda Imaraadka Carabtu ay ka dhisanayso gudaha magaalada Berbera, isaga oo arrintaasi ka hadlayay na waxa uu yidhi “labada waddan-ba waa wadamo aynu saaxiib nahay, saldhigiyo mellaterina welwelkooda iyo manfacoodaba way leeyihiin, innaga waxa Somaliland ahaan inoo yaala sidii aynu labadooda u ilaashan lahayn, Itoobiya waa waddan badda ka xidhan, markaa waxay isticmaalaan Dekadda Jabuuuti, qorshuhuna wuxuu yahay inay ta Berbera isticmaalaan, markaa wax kasta oo samaynaaya marinada ay la leeyihiin baddaha kolay dee werwerkeeda ayay leedahay.”

Dr. Sacad, dhinaca kale wuxuu ka hadlay Suldaanka falaagada ah, Suldaan Abibakar Cilmi Wabar, oo la sheegay inuu hurinayo xiisad colaadeed oo hor leh, taas oo uu ka wado xadka u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana ku sugan dalka aynu deriska nahay ee Itoobiya, waxaanu yidhi “warkaasi wuu jiraa, sababta uu u yimid ,cidda ka danbaysa iyo waxa uu doonayo meel lagu caddeeyey anigu runtii ma ogi,  laakiin hore ayeynu uga wada hadlaynay, anagu raali kama nihin inay Itoobiya ka soo gasho cid naga soo horjeeda,  inaguba sida aynaan u ogalayn in cidda Itoobiya la dagaalantaa aanay waddankeena soo marin,  heshiisna hore ayeynu uga galnay, waxaanan rajaynayaa in heshiiska cid waliba fulin doonto.”