Guddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale oo xadhiga ka jaray Biriish muhiim ah oo uu ka hirgeliyay Burco

0
109

Guddoomiyaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale ayaa si rasmi ah xadhiga uga jaray biriish casri ah oo ay shirkadda Dahabshiil Group ka hir-gelisay magalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Biriishkan oo ay baahi weyn u qabeen shacbi weynaha magaalada Burco ayaa munaasibada furitaankiisa waxa ka soo qayb-galay maamulka gobolka Togdheer, ka degmada Burco, maamulka shirkadda Dahabshiil Group iyo Xildhibaanno.

Madaxdii kala duwanaa ee madasha ka hadlay ayaa dhammaantood waxa ay ka markhraati kaceen baahida loo qabay dhismaha biriijkan iyaga oo si weyn ugu mahadnaqay mulkiilaha shirkadaha Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale.

Guddoomiyaha gobolka Togdheer ayaa yidhi “waxa aynu mahadnaqaynaa shirkadda Dahabshiil iyo Maxamed Siciid, runtii waxaad ummada ka furateen dhibaato weyn oo haystay, anigu habeenkii uu roobkii weynaa uu da’ay ee xaajigu uu magaalada joogay Maxamed Siciid ee subaxii ku dhawaaqay Biriishkan waxaan ku tukaday masjid Hudaa laba saacadood iyo afartan daqiiqo ayay igu qaadatay in aan gurigaygii gaadho, waliba waxa aan maray biriijka labaad oo ay isku yimaadeen afar boqol gaadhi iyo afar boqol oo tigood oo ay laba saacadood nagu qaadatay in la kala hago, markaa runtii farxad ayay u tahay gobolka Togdheer iyo magaalada Burco Biriishkan qiimaha badan ee ay shirkadda Dahabshiil dhistay waxaanu leenahay ganacsada kalena ha ku dayato, Alle miisaanka xasanaadka ha ugu daro Maxamed Siciid iyo shirkadda Dahabshiil”

Maayir ku-xigeenka Burco isaguna madasha hadallo ka jeediyay ayaa yidhi “Anniga oo ku hadlaya afka maamulka degmada runtii farxad iyo dareen gaar ah ayay arrintani noo samaynaysaa, biriishkan maanta xadhig ka jarkiisa la joogo, annagu ka maamul degmo ahaan abaal gaar ah ayaanu Maxamed Siciid iyo shirkadiisa Dahabshiilba u haynaa sida uu wax noogala qabto codsiyada aanu ula tagno iyo waxtarka weyn, shirkadaha kalena in ay ku daydaan ayaanu ugu baaqaynaa runtii aad iyo aad ayaanu ugu mahadcelinaynaa”

Ugu dambayntii waxa madasha ka hadlay guddoomiyaha guud ee shirdaha Dahabshiil Group Xaaji Maxamed Siciid Ducaale