Maareeyaha guud ee dahabshiil group oo ka qayb galay shirkii wadamada IGAD

0
167
Shirka wadamadda IGAD ee ka socday dalka D.jibouti ayaa maamulaha guud ee shirkadaha Dahabshiil Group, Cabdirashid Maxamed Siciid Ducaale, ka waramay kulamo uu la yeeshay qaar ka mid ah madaxda wadamadda shirka ka soo qayb gashay oo uu kala hadlay saamaynta dhaqaale ee geeska Afrika ay ku leedahay colaadaha ka socda oo ay ka mid tahay Dalka Sudan.
Waxaanu yidhi.“Dalka Sudan waa dal Soomaali badani ku nooshahay, anaga ka Dahabshiil ahaana waanu ka shaqaynay muddo aad u dheer, saameyn weyn ayaa dagaalkaasi nagu yeeshay, dhammaan xafiisyadii iyo shaqaalihii noo joogay waxna way xidhan yihiin waxna way qaxeen,”
Waxa sidoo kale uu ka waramay fursadaha ka jira waxaanu yidhi.“Waa arrin fursad weyn u dhalinaysa bulshada reer Jabuuti iyo dalkan Jabuutiba, sababto dalkan ka Dahabshiil ahaan dhaqaale badan ayaanu galinaa, dhab ahaantii dhaqaalaha adduunku xuduud malaha wuu isu furan yahay horumarba ka dhasha, dhaqaala ka dhasha amaankay sii kordhisa”