Shirkadda Dahabshiil oo Burco Ugu Deeqday Dhismaha Biriij Casri ah

0
118

Shirkadda Dahabshiil Group,ayaa magaalada Burco ka dhagax dhigtay Biriij casri ah oo aydeegsan doonaan dadka iyo gaadiidkuba.

Biriiijka Shirkadda Dahabshiil Group Burco ka dhisayso ayuu magaalada ugu deeqay Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil.

Munaasidda Dhagax dhigga Biriijka ayay ka soi qayb galeen Masuuliyiin ka socday shirkadda Dahabshiil,wasiirro,xildhibaano wakiilada iyo deegaanka.ah,Maayerka degmada Burco iyo dadweyne kale.

Xaafadda biriijkan laga dhagax dhigay ayyay shirkadda Dahabshiil hore uga dhustay Biriij u gaar ahaa dadka oi keliya isla markaana xilkiga roobabka baahi wayn oo dhanka dadla lugaynaya ah daboolay.

Balse masuul ku hadlayay afka shirkadda Dahabshiil.ayaa sheegay in biriijkii hore baahidii ay u dhiseen iyo baahida hadda jirta ay kala waynaatay isla markaana xaafadda iyo guud ahaan.magaaladuba ay u baahdeen Biriij wayn.oo laba Haad ah isla markaana ay wada adeegsan karaan dadka iyo gaadiidkuba sidaa.darteed na Xaaji Maxamed Siciid Ducaale Dahabshiil uu magaalada ugu deeqay dhismaha Biriijka la dhagax dhigay.

wasiirka arimaha Gudaha iyo duqa degmada Burco ayaa ku bogaadiyay Maxamed Siciid Dahabshiil iyo guud ahaan Dahabshiil Group siday uga qayb qaadato horumarinta adeegyada danta guud taasoo markasta baahiyaha ka jira danta guud shirkadda dahabshiil ay gacan wayn ka geysato.