Shirkadda Dahabshiil Group Oo Doorweyn Ka Qaadatay Bandhiga 15aad Ee Carwadda Buugaagta Hargeysa

0
463

Shirkadda Dahabshiil Group Oo Doorweyn Ka Qaadatay Bandhiga 15aad Ee Carwadda Buugaagta Hargeysa

Hargeysa-Shirkadda Dahabshiil Group  ayaa  door weyn ka qaadatay bandhiga 15aad ee Carwadda Buugta Hargeysa oo shan iyo tobanaad oo xidhiidh ah lagu qabtay magaaladda Caasimadda ee Hargeysa, maamulaha shirkadda Dahabshiil Cabadirashiid Maxamed Siciid Dahabshiil oo furitaanka carwadda khudbad ka jeediyay ayaa waxaa uu taabtay doorka ay shirkadu ka qaadanayso horumarinta dhaqanka iyo sida ay uga go`antahay

“Dahabshiil hadaan nahay runtii dhaqanka waxaan u aragnaa iyo dhaqaalahu isu tagaan in ay ummadii horumari karto dhaqanku waa ka dadka isu soo dhaweeya ganacsatadu waa kuwa meel wallaba taga, maanta Hargeysa markuu Jaamac lahaa hudheeladii way buuxaan, waxay muujinaysaa dhaqaalaha Hargeysa iyo horumarka Hargaysa-ba in uu kor u sii kacaayo oo maanta la laayahay hudheel lagu dago ama diyaarad la soo raaco. Dhaqanka iyo dhaqaaluhu haday kala hadhaan horumar ma jirro, nabadina ma jirto markaa inaad Jaamac aad dhiiri galisaan aad bay u mahadsanyihiindadka, dadka martida inoo ah ee Siigaal ninka Liverpool ka ciyaar ee la yidhaa Sadio Mané  ayaa singaal aniga I baray markaa aad baan ugu faraxsanahay isagana waxaan rajaynayaa in uu maalin uun Hargeysa inoogu yimaado oo buuga inagala qeyb qaato, kalmada wada jir waxay soomaalidu tidhaahda (Gacmo wada jir bay wax ku goyaan) markaa wada jir baa dhaqaalaha lagu kordhin karaa, wadajir baa nabada lagu dhisi karaa wadjir baa magaalada lagu nadiifin karaa , wada jir baa wax walba lagu gaadhi karaa markaa wada jirkaa aynu sii wadno sii xoojino oo wali hawlaha inoo yaala aynu ka wada shaqeyno waaheenna wixii inaga dhiman lafteeda ka shaqeyno , ganacsato hadaynu nahay hadaynu dadkii daganaa nahay wada jirkaa aynu ku wada shaqeyno waana kalmad aad u wanaagsan waana ay ku mahadsanyihiin xaruntu kalmadaa inoo doorto”

Maamulha shirkadda Dahabshiil ayaa martidii kala duwanayd ee ka soctay dalalka kala duwan ee ka soo qeyb gashay carwadan kula hadlay luuqadda Ingriisiga