DILALKA QARSOON EE LAASCAANOOD!

0
380

Caasimadda Gobolka Sool waa Magaalada Laascaanood. Maamulka Soomaaliland wuxuu gacan ku haynta Magaalada la wareegay October/ 2007, saddex sanno ka dib xilligaas oo ahayd 2010 waxaa magaalada ka bilaabmay waxa la dhaho Madax jebis amase dilal qorshaysan oo loo gaysano Indheergaradka Magaalada. Ku dhawaad dad gaadhaya haddii aysan ka badnay 84 qof in ka badan ayaa lagu dilay gudaha Magaalada; caawa cidna looma hayo loomana soo qaban.

 

Dadka degan Magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobollada SSC dhex dooda waxaa ka dhici jirtay Aanooyin qabiil salka ku haya oo qofkii habeen madow wax dilla amase la dilo waa la ogaan jiray, iyakoo ay sheegayaa qoyska amase qabiilka dilkaas gaystay iyakoo ugu aaraya mid kale oo uga maqan jifidan kale ee ay wax ka dishay. Laakiin sidii ay Soomaaliland u timi saddex sanno ka dib Magaalada dhaqan ka duwan ayaa yimi oo ah; qof in badhtamaha suuqa lagu dilo haddana la odhanayo LAMA GARANAYO cida dishay.

Dadka u badan ee Laascaanood lagu dilay waxay yihiin dhammaan indheergaradkii Gobolka, kuwo Maamulka meesha ka jira u shaqeeya, Ganacsatada, Suxufiyiin, Haldoorka Magaalada iyo qof kasta oo ka dhaqdhaqaaqaya Magaalada iyo dadka halkaas degan ba’. Dhamaan Magaalooyinka kale ee uu ka taliyo Maamulka Soomaaliland sida Burco, Hargeysa, Ceerigaabo iyo Boorama ba kama jirto wax la dhaho Madax duub dadka laaya oo aan la garanayn. Maxaa ku koobay oo keliya Magaalada Laascaanood ?.

 

Anigu waxaan soo jeedinayaa qoddo badan soo socda, si xal waara loogu helo Magaalada Laascaanood.

 

1) Qofkasta oo lagu dilay Magaalada Laascaanood waxaa masuul ka ah Maamulka meesha ka jira, sababtoo ah haddii uusan jiri lahayn Maamul meesha jooga qofna inta layska dilo lama garan waayeen habeen iyo maalin ba.

 

2) Maamulka Soomaaliland ee gacanta ku haya Magaalada Laascaanood waxaa waajib ku ah in meel la saaro Indheergaradkii Gobolka ee la laayey, haddii aysan awoodin waa in ay masuuliyada Amni ku wareejiyaan dadka degan Magaalada iyakuna iskaga baxaan Caasimadda.

 

3) Ciidanka u badan ee Military ah, Boolis ah, Nabadsuggida ayaa jooga Laascaanood. Haddana in la garan waayo waxa dadka xasuuqaya maaha wax caqliga iyo garaadkuba yeelayo Jaalle-yaal.

 

4) Dadka Eebbe ku abuuray deegaanka waxaa waajib ku ah sida ay u sheegeen culimadu in ay iyaku Amnigood sugtaan, qofkasta uu dhegto sudho A47; maadaama aysan jirin Maamul u damqanaya oo amnigooda lagu aammini karo.

 

Fg: Horta xaggee ayey ku danbaysay Gudidii uu soo dhisayey Garaadka Guud ee Gobolka Sool Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ?!.

 

W/Q: Muxammad Sugaal Baaruud Xoogsade.