Somaliland:Dhaqdhaqaaq Siyaasadeed Oo Xawli u Socda

0
1249

Xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland UCID iyo WADDANI oo dhawaaq qabsanaya shirweyneyaashooda la filayo in hoggaankooda wax lagaga bedelo ayaa kor u qaaday xaraaradda siyaasadda Somaliland.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa la sheegay in uu todobaadkan socdaal siyaasaddeed ku tagi doono magaalada Burco, halkaas oo uu kulamo kula qaadan doono siyaasiyiin, madaxdhaqameed iyo qaybaha bulshada ee siyaasadda ku lugta leh.

Socdaalka Faysal ayaa loo arkaa mid daba socda kulamo uu Imaaraadka kula qaatay Boqor Buurmadow iyo Maxamuud Xaashi. Wargeyska Foore ee Hargeysa ka soo baxa ayaa ku warramay in Eng Faysal raadinayo xulufo siyaasadeed oo Xisbiga UCID taageerta, islamarkaana heshiiskoodu noqdo in ay Eng Faysal dhisaan isna marka dambe abaalka u celin doono.
Arrimaha Ku Xeeran Kulamadii Eng Faysal, Maxamuud Xaashi & Boqor Buurmadow
Wargeyska ayaa dhanka kalena tilmaamay dhaqdhaqaaq siyaasadeed oo ay hormuud u yihiin Maxamuud Xaashi iyo Hoggaamiyaha WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan kuwaas oo damacooda ku aaddan helidda jago ay ku tiigsadaan madaxweyne u xusul duuban, kuna eekaynaya Xisbiyada mucaaradka gaar ahaanna Xisbiga WADDANI.

Maxamuud Xaashi oo u muuqda in uu quus ka joogo Kulmiye ayaa hadda la sheegay in uu taageero ka helayo siyaasiyiin tiro badan oo Kulmiye quus ka taaggan kuwaas oo xilal kala duwan ka soo qabtay xukumaddihii Kulmiye ee Siilaanyo iyo Biixi kuwaas oo ka midaysan mucaaradada Madaxweyne Biixi.
Eng Faysal “Doorkan UCID ha lagu dayo dalka..”
Madaxweyne Biixi oo dhankiisa dhabbaha u xaadhaya in uu mar kale madaxweyne noqdo ayaa la filaya in uu qorshaynayo sidii uu isaga caabin lahaa mawjadaha mucaaradka iyo Kulmiyaha ka huleelay hoggaamintiisa waxaana jira warar ku aaddan in haddii uu kursiga guddoomiyaha Kulmiye wareejinayo u hibayn doono Saaxiibkiisii muddada dheer wasiir Maxamed Kaahin.