Qabiilka Cusub Ee Biixi Afka Ciidda U Gelin Doona

0
883

W/Q Siyaasi Cali-kubad

Madaxweyne Muuse qabyaalada ayuu miicsaday laakiin waxuu ka il duufay qabiilka cusub ee doorashada soo socota afka ciida u gelin doona.
Shaxda cusub ee Muuse Biixi dhigay waxay ku fadhidaa fikirka ah Gebiley, Maroodi-jeex, iyo Saaxil( GMS) inuu kow, xaafada Subeeriyada gacanta ku wada dhigo, iyadoo reer New Hargeysa, Axmed-dhagax iyo Beligubadlena uu soo raacinya GMS, waana sababta uu labadaas xaafadood, uu qayb libaax uga siiyey isku shaandheystiisii ugu danbeysey. Reer Awdal waxuu ka rajeynayaa inuu la kala badho labada xisbi ee mucaaridka ah, halka Sanaag, Sool, iyo Cayn-na uu ka rabo saddex meelood meel. Xaafadan Garta-xejistaana dee waa kuwaas labada xisbi ee kala qaybsan leh, waxa soo hadhay waxa loogu yeedho Beriga Burco oo Muuse isleeyahay saddexda xisbi qaran haday saddex qaybood u kala qaybsadaan xaafadaas, inay markaas lumayso miisaankii ay xaafadaasi lahayd.
Hadday sidaas u dhacdo dee Xariifku shan sano oo danbe ayuu inna soo hor fadhiyi doonaa, waana siduu aaminsan yahay.
Hadaba, Madaxweyne Muusow aan saaxiib oo inaadeer kula talayo, ilayn sidii Cabdoo baad xisaabta khaladaye. Waxaad tahay Madaxweynihii ugu maamulka xumaa ee dalka soo maray abid, oo waxa isu kaa raacay aqoondaro, kibir, hunguri, iyo hanti urursi qaawan. Qabiil wax ma tartid ee qoyskaaga ayaad ku egtahay, ilaa maalintii aad madaxweyne noqotay sabada guryaha laguu dhisayaa ma qalasho, danyartii waxaad xoog kaga qaaday dhulkii yaraa ee ay deganaayeen. Maanta dadku waxay kugu xantaan inaad Dahab-Shiil haddii aanad ka lacag badnayn inaad cagocagayneyso, oo riyadaadii inaad nimaankaas la mid noqoto Ilaahay wuu kaaga dhabeeyey. Beer weyn oo saddex riig ka taagan yihiin, iyo kadin geela oo aad habeenkii u caano doonato baad leedahaye, bal maxaa kalee kaa maqan inaadeer. Waan maqalnay inaad gudida kommishanka doorashooyinka aad tidhi doorashadii madaxtooyada noo diyaar gareeya. Waxaan kugula talin lahaa inaad qabatid doorashadaas, laakiin aanad juhdi iyo olole toona aanad gelinin,waayo shacbigu wuu kaa daaley oo qabiil aanad ogeyn oo aad mustaqbalkoodii sii aamaahanayso baa kugu leh kaa diidney Muusow. Maamul xumada waxaad kaga sii dartay nasiib iyo Hoodo xumada oo markii aad meesha timi waxaad la timi aargoosi, xintan, iyo dagaal aan loo baahnayn. Xaafadii aad isku jeegaanta ahaydeen cay iyo aflagaado baad kala daashey adigoo leh hantidii ummada ayey carabka sii mariyeen oo ay xaalufiyeen, waxa lagaa hayaa inaad tidhi miyigii iyo hawdkii ay ka yimaadeen baan ku celinayaa. Xitaa labo nin oo Abaan( Agents) u ahaa Fly Dubai, iyo Alcarabiya waxaad ku samaysay waxaan waraabe aanu Adhi ku samaynin. Waxaad ugu talo gashay inay xaafadaasi si habaq ah ay saddexda xisbi u kala galaan si aanay isku duubmidoodu wax kuu yeelin.
Adigoo maamul xumadii la kufaa dhacaya baa Ilaahayna keenay cudurkan COVID ee dhaqaalihii adduunka wax yeelay, oo ayaandaradaasina way kuu sii raacday. Waxaan ku odhan lahaa saddexda ama Afarta boqol ee milyan ee hantidaada cusub ah, geelagaas iyo beertaadaas isku shaqlo sidaasna nagu dhaaf Ilaahay baan kugu dhaarshee, waayo Somaliland shan sano oo danbe kuma qaadi karto. Imminka dad badani waxay aaminsan yihiin hadday Somaliland ay dhibtaada iyo hadimadaada ka badbaado inay kunka sano ee socda ay sii jiri doonto in’sha’Allahu. Sharaf waxa kuu noqonaysa oo xumaan kasta oo aad geysatey kaa maadhaysa, waa madaxweynihi labada doorasho ee isa saaran qabtay, iyo waa madaxweynihii aan mudada korodhsan, iyo madaxweynihii markii laga helay xilka wareejiyey sidii Daahir Rayaale oo kale. Intaas hadaad Somaliland u samayso intaas aad sii qadhiidhay waanu kaa saamixi karnaa,laakiin mar labaad ha isu kaayo soo qaawinin saaxiib. Xitaa haddii ay kuu hirgasho sidan qabyaaladeysan ee aad shaxda u dhigtay oo aad doorashada ku guuleysato adigoo qabyaaladaas qaawan isticmalaya, waxa iman doonta rag sidii ay Xaaji Cabdi waraabe iyo gudoomiye shiikh Ibrahim ku sameeyeen Siilaanyo in lagu yidhaado waa lagaa helay oo anigaa sidaas garanay ee SALAAMA. Ilayn qabyaalad qabyaalad baa lagu saxaaye!
Qabiilka ku ridi doona, ee lixda gobolba dega, ee ugu faraha badan Somaliland waxa la yidhaahdaa qabiilka dhalinyarada oo waxay wadaagaan mustaqbal. Dalka iyagaa iska leh oo waxay u baahan yihiin horuumar uma baahna in la kala qaybiyo ee isku duubni bay u baahan yihiin, waxay u baahan yihiin in la is jeclaysiiyo ee uma baahna in la isku diro oo ay isnacaan. Xikmad baa tidhaahda dadka waaweyni waxay ka sheekeeyaan waqti tegey iyo taariikh hore waayo mustaqbal ma laha; dhaliyaraduna waxay ka sheekeeyaan mustaqbal waayo taariihk hore oo ay ka sheekeeyaan ma laha. Intee baa SNM iyo Iidoor baa la xaaqay laga sheekeen karaa( 30 sano), dhalinyarada reer Somaliland waxay u baahan yihiin inay halgankooda ay galaan oo samaystaan “ SNM” tooda cusub oo ah mid walaalaysa oo ay meel uga soo wada jeedaan dalkooda, dantooda, diintooda, iyo dadkoodaba iyagoo hiigsanaya cadaalad, horuumar, iyo walaalnimo gidigood wada dhaqda. Doorashadii dhoweyd wacdaro ayaad dhalinyarow noo dhigteen, Somaliland boqolkiiba todobaatan da’ ahaan way ka yar yihiin 30 jir markaas waa inuu is bedelku dhinaciina uu ka yimaado oo aan mustaqbalkiina lagu sii khamaarin. Madaxweynuhu shanta sannadood uu joogo waxuu magacaabi karaa 50 wasiir marka isku shaandhaynta lagu daro, iyo konton agaasimayaal, oo waxa shaqada loo abuuraa iyadoo weliba qabyaaladeysan 150 qof haday innoogu bataan. Dhalinyarow waxaad rabtaan inaad noolol fiican samaysataan oo guursataan oo guryo dhisataan oo horuumar samaysaan, laakiin sidan xukuumadaha kala danbeeyey ee siiba kulmiye wax u wadeen waa boobtee aniguna aan boobo iyo dhalinyarada mustaqbal keeduna yeelkadeed. Dhalinyarow, maanta iska kaashada oo hurdada ka kaca oo dalka iyo dadkaba u hiiliya. Dhalinyarow hareerihiina eega iyo adduunka waxa ka socday ilayn waa idiinkan baraha bulshada iyo internetyada ku jiree bal Muuse Biixi miyuu maqlay mase fahmi karaa: Metaverse, Bionic( bionic spy fly),nanotechnology,Blockchains(crypto-currency), Quantum computation, Genome, Dark webs( Tor), Sun powered chemistry, Asteriod mining( psyche16). Intaba akhristaayasha dhalinyarada ahaw google-gareeya, adduunka halkaas la marayo buu Muuse Biixina inna gala dhamaan la’ yahay reer hebel baa Xamar iyo Somaliyaa innagu celinaya ee aniga ii codeeya. Xitaa waxaanu ogeyn in ay Somaliland ictiraaf la yidhaahdo kii runta ahaa( De facto recognition) ay haysato, oo uu innaga maqan yahay uun ictiraafkii diplomaasiyada (De jure) kaasina waxuu ku xidhan yahay uun wada hadal Somaliyaa la isku hor fadhiisto oo aynu 100% guusha heleyno. Muuse waa geeljire soo xoogsi tegey oo walaahay waa ka bes oo intuu garanayey way dhaaftay ee dhalinyarooy mustaqbalkiina ilaashada, Muusena aynu u sheegno inaanay Somaliland u baahnayn milateri wax in qilaaba( Xaasha) ay u baahan tahay dhalinyaro feejig oo mustaqbal kooda meel uga soo wada jeeda. Dhalinyaroy hurdada ka toosa!