Shirkadda Dahabshiil Group Oo Ka qayb qaadatay Shirweynaha Qurbejoogta Somaliland

0
205

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa ka qayb qaadatay Shirweynaha Qurbejoogta Somaliland oo ka socda magaalada Hargeysa. Shirkadda ayaa wada shaqayn dhaw la leh qurbejoogta iyo hay’addaha ku shaqada leh maaddaama u adeegto guud ahaan qurbejoogta daafaha Dunida jooga ee dalkooda iyo ehelkooda wax ku soo celinaya.

Maxamed Cabdisamad Maareeyaha  Guud ee Xawaaladda Dahabshiil oo hadal ka jeediyay shirka Qurbejoogta ayaa tilmaamay ahmiyadda shirka iyo doorka Dahabshiil ku leedahay, islamarkaana tilmaamay in ay fududeeyeen u adeegista qurbejoogta.

“Xaaladdaha adag ee COVID 19 laga soo maray ee dadku lacagaha dirsan kari waayeen Dahabshiil Group ahaan waanu u fududaynay Qurbejoogta, waanu la jaanqaadnay oo waxaanu u fududaynay teknoolajiyada in iyaga oo guryahooda jooga lacagaha diraan, waxaanu Qurbejoogta ugu bushaaraynayna in iyaga oo guryahooda jooga ay Dahabshiil.com ama Application-nada ay lacagta ku soo dirayaan kala soo degi karaan oo iyaga oo guryahooda jooga lacagta dirayaan,” ayuu yidhi Mudane Maxamed Cabdisamad.

Maareeyaha Guud ee Xawaaladda Dahabshiil waxa uu sheegay in ay muhiim u arkaan shirkarka noocan ah ee lagu falanqaynayo doorka qurbejoogta “Shirkan oo ah kii 5-aad ee qurbejoogta loo qabto Dahabshiil Group ahaan si weyn baanu u xiisaynay maaddaama ay qurbejoogtu bulshada Somaliland udub-dhexaad u tahay doorweyna ka qaateen jiritaanka dalka. Xilliyadii burburku dhacay waxa lagu baxsaday xawaaladaha oo xawaaladda Dahabshiil kow ka tahay oo ku soo bilaamay nidaam guri ka guri ah oo aamminaad salka ku hayay maantana halka ay marayso baaxaddeeda la arkayo, waxa shirkaddu halkaa ku gaadhayna waa qurbejoogta oo dadka ayay lacagta u kala xawilaysay, marka shirkan waanu xiisaynay waanu maalgalinay, waanu la shaqayna wasaaradda arrimaha dibadda iyo qaybteeda qurbejoogta oo waanu dhiiri gelinaa