Siciid Sulub “ Waxaan maqlayay Maayar Mooge oo naqshadda magaalada ka cabanaya isaga hawl u taalla maaha..”

0
2035

Wasiir Siciid Sulub oo hadal ka jeedinayay munaasibad wasiir Cabdillaahi Abokor kula wareegayay xilka wasaaradda Hawlaha Guud ayaa sheegay in naqshadaynta iyo hawlo kale oo badan tahay shaqo u taalla wasaaradda dhawaan loo magacaabay Wasiir Cabdillaahi Abokor ee aanay ahayn shaqo u taalla Maayar Mooge.

“Maayar Mooge waxaan maqlayay maalin dhawayd in uu aad uga cabanayo naqshadda oo aan magaalada la hagaajin karin ilaa naqshad dambe loo sameeyo. Naqshadda cusub iyo dib u habaynta naqshadihii hore ba Hawlaha Guud(Wasaaradda) ayay u taalla ee adiga kuuma taallo waa in ay sameeyaan marka ay awood u helaan naqshaddii horena dib loogu noqdo haddii ay tahay waddo, haddii ay tahay guri iyo wax kale oo faakihaysi ah sida beero iyo meelihii magaalo ku neefsan jirtay intaba waxa laga rabaa wasaaraddan,” ayuu yidhi wasiir Siciid Sulub