Madax dhaqameed Is laab xaadhay

0
282

W/Q Jamaal Cali Xuseen
Waxaan aad ugu farxsanahay in caawa isu yimaadeen oo ay is laab xaadheen qaar ka mid ah odayaasha iyo madax dhaqameedka Ugu waaweyn Somaliland gaar ahaan kuwa ka soo jeedda gobolka Saaxil oo beryahan danbe ay dadku ku xamanayeen in xurgufi soo kala dhex gashay. Laba oday ee ugu waaweyn Oo kala ah Muuse Xirsi Abokor ( Muuse Dalab) Oo ah gudoomiyaha Dan iyo Duco. Iyo Chief Caaqil Axmed Caaqil yare. Goobta waxaa isna la joogay Wasiir Cabdilaahi Abokor kulanka laab xaadhashadda qayb weynna ka ahaa. Muuse Dalab waa oday ah ganacsade, hogaamiye reereed, nabadoon, mujaahid, Oo door laxaad lehna ka soo qaatay halganaddii siyaasadeed ee dalka. Chief Caaqil Axmed Caaqil yare maanta waa Ninka Ugu da’da weyn Caaqilada Somaliland. Muddo 60 sanadood ah ayuu Chief Caaqil ahaa Oo Xaaji Cabdi Waraabe ayuunbaa ka badnaa mudadda Chief Caaqilnimadda. Inta noolna isagaa Ugu weyn. Wuxuu door weyn ka soo ciyaaray halgankii iyo nabadayntii dalka.

Waxaa kaalintiisa aan la ilaawi Karin Eng Maxamed Haybe Nuux oo Ilaahay ka sokow sabab weyn u ahaa in ay odaydu isu yimaadaan Oo heshiiyaan. Qofka muslimka ahina waa inuu mar walba ku farxaa wanaaga iyo heshiiska.