Ujeedada Wefti Ka Socda Kenya U Joogo Somaliland

0
553

Wefti ka socda wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya ayaa magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland u jooga dhammaystirka qorshe dawladda Kenya safaarad kaga furanayso magaalada Hargeysa.

Arrintan ayaa qayb ka ah heshiis madaxda Somaliland iyo Kenya kala saxeexdeen dabayaaqadii sanadkii hore oo madaxweyne Biixi tagay dalka Kenya. Sida oo kale wufuud ka kala socota Somaliland iyo Kenya ayaa socdaallo is waydaar ah oo la xidhiidha iskaashiga labada dhinac ku tagayay Nairobi iyo Hargeysa.

“Waa run, waxa aanu gabo gabaynayna qorshe aanu safaarad kaga furanayno Hargeysa, waxa aanu si dhakhso ah u samayn doona iclaaminteeda rasmiga ah,” ayuu yidhi Masuul ka tirsan wasaaradda Arrimaha dibadda oo aan magaciisa iyo mansabkiisa la sheegin.

Kenya ayaa noqonaysa dalkii Saddexaad ee Afrika ah oo xafiis rasmi ah ka furta Somaliland iyada oo Jabuuti iyo Itoobiya hore xafiisyo ugu lahaayeen Hargeysa.

Source: Somaliland: Kenyan Delegation In Hargeisa Finalise Consulate Set Up Plans