Wakiillada Oo Saaka Xeer Xasaasiya La Hor Keenayo

0
625
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.
Somaliland: Golaha Wakiillada Oo Gows Adaygaya Bixinta Qaadhaankii Ay Sheegeen Inay Mushaharkooda Uga Goynayaan Abaaraha.
Golaha Wakiillada Oo Saaka La Soo Hor dhigayo Wax ka Bedelka Iyo Kaabista Xeerka Nidaamka Ururrada Iyo Asxaabta Siyaasadda Iyo Qoddob Xasaasi Oo Lagu soo daray
Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa la filayaa in maanta la hor geeyo warbixin xasaasi ah oo ku saabsan Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Asxaabta Siyaasadda, kaas oo dhawaan Guddoomiyaha Golahaasi guddi u saaray.
Fadhiga Maanta oo sabtid ah, ayaa loo ballansan yahay in warbixintan la xidhiidha Xeerka Furista Ururrada Siyaasadda in laga dhegeysto Guddi tallo bixin ah oo Shirguddoonka Golaha Wakiilladu u saareen in ay ka soo shaqeeyaan Kaabista iyo wax ka beddelka lagu samayn karto Xeerkaasi, iyada oo fadhiyo hore oo la doonayey in warbixintan lagu dhegeysto aanay suurto gelin, ayaa lagu wadaa in maanta Mudaneyaashu dhegeystaan warbixintan.
Dhegeysiga Warbixintan ka dib ayaa la filayaa in ay Mudaneyaashu cod u qaadaan amma guddo galaan doodda qodobada uu xambaarsan yahay Xeerkan, oo si weyn loo sugayo.
Waxyaabaha filayo in ay warbixintan Xambaarsanaato ee lagu soo kordhiyey Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, ayaa waxa loo badinayaa in ay ka mid noqdaan qoddobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin waxa laga yeelayo marka ay sannadka dambe uu dhacdo Liisanka Xisbinimo ee ay haystaan Saddexda Xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID, kuwaas oo wakhtigii sharciga ahaa uu dhacayo sannadka dambe ee 2022-ka, madaama sharcigu dhigayey in Liisankoodu noqdo 10 sanno oo ka soo bilaabmaysay 2012-kii illaa 2022-ka.
Qoddobkan oo ah kan ugu xasaasisan ee laga sugayo in lagu soo daro Xeerkan, ayaa filayaa in ay noqon karto in lagu caddeeyo in Ururrada la furo ka hor doorashada Madaxtooyada ee soo socota, iyada oo qorshaha lagu furayo uu noqon karo in la sameeyo doorasho toos ah oo Ururro lagu doorto, madaama oo markii hore Ururrada la raacin jiray doorashada Goleyaasha Deegaanka, taas oo iyadu dhacaysa sannadka 2021-ka.
Qoddobkan, ayaa lagu wada in ay guddi soo jeedin doonto, madaama oo xaq distuuri ah uu yahay ka qayb galka siyaasadda ee muwaadiniintu in la sameeyo nidaam lagu furo ururrada Siyaasadda, kaas oo noqon kara mid bulshadu ay doorato Ururro ku tartami doona Xisbinimo sidii ay ugu soo bixi lahaayeen, ka dibna saddexda Urur ee ugu codka badan u noqon lahaayeen saddexda Xisbi qaran ee dalka ka jira.
Qodobada kale ee la filayo in ay warbixintan ku jiraan, ayaa waxa ka mid ah Muddo xileedka guddoomiyeyaasha Xisbiyadu in aanu noqon mid daba furan, balse wakhti cayiman laba muddo xileed ah uu guddoomiyuhu noqon karo Guddoomiyaha Xisbiga, halka sidoo kale murrashaxa Xisbigu uu laba jeer isa sharxi karo.
Qoddobada kale la filayo in Warbixintan la xidhiidha Xeerka Nidaamka Ururrada ku jiraan ayaa wax aka mid ah Wax ka beddel lagu sameeyey qaabka iyo Cidda soo magacabaysa Guddida Diiwaan gelinta Ururada Siyaasadda, Qaabka Xubinimada Xisbiyada lagu waayi karo iyo qoddobo kale.
@ Wargeyska Saxansaxo