Khilaaf Ka taaggan Dhaqaale Komishanka Doorashooyinku Ugu Talo Galay Qaybo Warbaahinta

0
521

Warar iyo Xoggo kale duwan oo aanu hellayno ayaa sheegay in kooxda ku maxaafsata Magaca War-baahinta onlinka ah ay diyaariyay qorshe ay ku dhacaayaan lacagta ay guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ugu tallogashay wacytigelinta war-baahinta ee doorashooyinka isku sidkan iyo baahinta wararka Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee la xidhiidha doorashooyinkaas, haseyeeshee Kooxdan oo iska dhiga inay yihiin ama isku caleemo saaray guddoonka Warbaahinta onlinka ah ee Somaliland ayaa la sheegay inay samaysteen qorshe ay ku doonnayaan inay lacagtaa ay ku dhacaan, waxaanay guddida doorashooyinka u gudbiyaan liiska Mareego ama wabsetyo aan shaqayn iyo foojarada lacagta oo been abuur ah, waxaana xusid muddan in aanay guddida doorashooyinka arrintaas dhaadanayn ilaa hadda.

Kooxdan ku shaqaysta magaca mareegaha wararka ee onlinka Somaililand  ayaa keliya suga inay soo shubaan guddida doorashooyinku lacagtaas oo ay muddooyinkii ugu dambeeyey waddeen kaartooyinkii ay ku dhici lahayeen, taas oo u muuqata inay hadda u suurtagashay inay farsamooyinkaas iyo liisaska been abuurka ah ay ku dhacaan dhaqaalihii komishanka doorashooyinka Somaliland ugu tallo galleen baahinta wararka iyo farriimaha wacyigelinta ah ee la xidhiidha doorashooyinka inaga soo waajahan ee golleyaasha wakiillada iyo deegaanka.

Geesta Kalena Qaar ka mid ah Degellada (Website) laga daalacdo wararka ee Somaliland ayaa si weyn uga horyimid tallaabadan tuuganimada ah ee ay ku kacdaan kooxdan yar ee ku malafsata magacooda, iyadoo ay tafatireyaasha Website Internetka ayaa dhaliilo xooggan u jeediyay xubnaha komishanka doorashooyinka u qaabilsan la shaqaynta warbaahinta iyo qaabka ay u waajaheen dhacdadan foosha xun leh.

Dhanka kalene Guddida doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa la sheegay inay si hufan u bixiyeen qandaraaskii wacyigelinta ee ay la galeen Tv-yadda iyo Wargeysyadda dalka, isla markaana ay uu Tv waliba ama Wargeyskastaa uu si rasmi ah u qaataya qadarkii lacageed ee lagula heshiiyeen, balse nasiib darro Lacagtii Guddida doorashooyinka ay ugu tallogeleen war-baahinta onlinka ah ayaa kooxda budhcad war-baahineeda ahi ay dhaceen, kuwaas oo samaystay liis been abuur ah iyo wabsatyo aan jirrin Magacyadood iyo warqadaha qaanshaadka oo lagu dhuftay shaanbada been abuur ah,waxaanay hadda ku guulaysteen qorshahaa, bilowgiisii hore oo ay qaateen lacagta wajigii hore, haddana ay sugayaan wajiga labaad.

Wararkeena dambe waxa uu idinku soo gudbin doonaa magacyada kooxdan ku shaqaysta magaca mareegaha  iyo cidda hoggaamisa, sidda oo kale waxaanu idin soo gudbin doona doorka ay xubnaha komishanka doorashooyinka u qaabilsan warbaahintu ku leeyihiin arrintan.