Xamse khayre Waan Ka tanaasulay Tartanka..

0
446

#Go’aan : Ka Tanaasul tartankii doorashadda murasha Golaha Wakiilada MJ.

Galabta oo ay taariikhdu tahay 25.03.2021 waxaan si rasmi ah oo kama dambays ah uga hadhay tartankii Kursiga Golaha Wakiilada ee Maroodi-jeex ee doorashada isku sidkan ee sanadka 2021 dhacaysa duruufo siyaasadeed oo dhacay awgeed, kuwaas oo khasbay inaan qaato go’aankan dambe. Waxaan u tanaasulay anigoo ku niyadsan Guud ahaan Xisbigayga Waddani gaar ahaana Gud. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro.

Xisbiga Waddani anigoo ahaa qofkii u dambeeyay ee ku soo biira ayaan qabtay jagaddii ama Xilkii ugu mudnaa Xisbiga Sanadkii 2017-kii kaas oo ahaa Madaxa Ololaha heer Qaran ee Xisbiga. Maanta waxaan go’aansaday in dad kale oo cusub oo laga yaabo inaad u aragtaan inaan ka soo horeeyay ugana tacab badnaa aan fursad siiyo oo ay iyagu tartamaan. In lagu soo kala horeeyay balse aan la kala lahayn ama/iyo la kala mudnayn Xisbigani waa dhaqan bogaadin mudan oo ay tahay in aan anigu xoojiyo. Qofnimada hufan iyo hogaaminta toosan baa sidaa i faraysa.

Waxaan ku kalsoonahay in taageerayaashayda Sharafta iyo Gobanimada badan ee leh gobol kasta; lab iyo dheddig ; yar iyo wayn iyo beel walba ee igu garab taagnaa riyadaas aan ku rabay in kaalin sharci-dajineed oo qaran-dhis iyo hindise umadeed leh aan galo inay ka garaabi doonaan go’aankan isaga ah iguna barbar istaagi doonaan.

Waxaan u socday ma ahayn dan qofeed balse waxay ahayd mid qaran taas oo aan diyaar u ahaa inaan u huro waqtigayga, naftayda, muruqayga, maalkiina/maalkayga iyo maskaxdayda balse dedaal iyo doonis kasta oo aan sameeyay aan Alle (swt) qadaray in aanay hadda suurtoobin. Waxaan abaal aan duugoobayn idiinku hayaa taageeradii iyo taladii aad ila barbar joogteen tan iyo intii aan hawshan ku jiray. Waxaan balan idiinku qaadayaa inaan kaalin kale oo bulsho oo siyaasi ah ku sii jiri doono.

Waxaanan ilaawayn isla markaana mudan inaan si gaara u majiirto Hooyaday, Xaaskayga iyo Caruurtayda oo intii aan hawshan ku jiray aan ka gaabiyay kaalintii waalidnimo, tii saynimo iyo tii aabo-nimo ee ayga mudnaayeen.

Ugu dambayntii, mar kale oo haboon ayaan faahfaahin dheeraad ah bixin doonaa caqabadihii iyo dhaabaddaha siyaasaeed aynu la kulanay intii geedigan aan ku jiray. Waxaan gadaal ka soo sheegi doona murashax Golaha Wakiilada ee aan dhisayo. Waxaan idinkana idinku ixtiraami doonaa cidaha aad halkaygii ku bedeshaan ee aad taageertaan.

Waxaan Alle ka baryayaa in dalkeena iyo dadkeenu noqdo mid taabogal noqda oo aynu ku naaloono cadaalad, sinaan, barwaaqo iyo xasilooni

Allaa Mahad leh,
Xamse Cabdiraxmaan Khayre
Murashax-hore Gole Wakiilo Maroodi-jeex