Magaalada Jigjiga oo laga daahfuray talaalka ka-hortaga Caabuqa Covid-19

0
294
Magaalada Jigjiga oo laga daahfuray talaalka ka-hortaga Caabuqa Covid-19.
Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar, ayaa daah-furay talaalka kahortaga cudurka Carona-Viruska, oo shaley soo gaadhay magaalada Jigjiga.
Xaflada daah-furkan ayaa waxaa kasoo qaybgalay masuuliyiin heer deegaan ah, wakiilo ka socday haayada caafimaadka aduunka(WHO) waxgaradka, cuqaasha iyo marti sharaf kale.
Talaalkan oo ay tiradiisu dhantahay 108-kun oo dhaws ayaa ah wajigii 1-aad ee soo gaadha Deegaanka Somalida ayuu halkii shaqsi qaadandonaa 1-dhaws, halka 30-maalmood.
Magaalada Jigjiga oo laga daahfuray talaalka ka-hortaga Caabuqa Covid-19
Kadibna uu qaadan doono dhawska 2-aad sida ay dhakhaatiirta caafimaadku sheegeen.
Madaxwaynaha DDS mudane Mustafe Muxumed Cumar oo xafladani ka hadlay, ayaa Sheegay in bulshadu ay sii xoojiyaan taxadarka balaadhan ee lagaga hortagayo caabuqan, madaama diwaangalintii cod-bixiyayaasha doorashada 6-aad ee Dalku bilahani soo socda.
Magaalada Jigjiga oo laga daahfuray talaalka ka-hortaga Caabuqa Covid-19
SRTV