Go’aamada Guddida ee Xaaladda Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Nuuradiin

0
331
Go’aamada Guddida ee Xaaladda Dugsiga Sare ee Wiilasha ee Nuuradiin (Nuradin Boys).
Guddidu markii ay baadhay xaalada dhacdadii ka dhacday Dugsiga wiilasha ee Nuradiin Sare 03/03/2020.
Dhacdadaas oo ardaydu dugsigoodii u gaysteen khasaare aan yaran. Halka ay ahayd inay dacwad waxa ay diideen ku saabsan u gudbiyaan dugsiga, Gudiga Waalidiinta Dugsiga, Gudiga Waxbarashada Degmada Hargeysa, iyo xarumaha Wasaarada Waxbarashada ee heer degmo, gobol iyo qaran, ama heerarka kala duwan ee garsoorka.
Gudigu markii ay dhuuxday nuxurka qoraalkii uu arday dugsigaa dhigtaa baraha bulshada ku baahiyay ee daarranaa inaanu dugsigaasi ku dhaqmin hab-raaca xanuunka KALA-ROORA (COVID19) ee ay sanadkii 2020 soo saartay Gudiga Qaran ee u Tooghaynta Xanuunka KALA-ROORA
Guddigu markii ay la kulantay daneeyayaashaa dugsiga sida maamulka dugsiga, macallimiinta, ardayda iyo xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada ee ay khusayso.
Guddidu markii ay qiimaysay xaalada dugsiga,
Waxay soo saartay go’aamada iyo talooyinka soo socda:-
1. In laamaha denbi baadhista iyo dacwad oogista qaabilsan ee Ciidanka Booliisku baadhis qotodheer oo degdeg ah ku sameeyaan dhscdadan. Isla markaana dacwad lagu oogo cid kasta oo ku lug lahayd khasaaraha dugsiga loo geystay, si waafaqsan shuruucda dhaqangelka ee dalka.
2. In mulkiilaha dugsigu siiyo maamulaha dugsiga madaxbannaani fulineed oo buuxda; si maamuluhu u helo awoodo maamul oo uu go’aan kaga gaadhi karo dhacdooyinka maalinlaha ah ee dugsiga una guto xilkiisa shaqo sida ku cad qodobka 103aad ee Xeerka Waxbarashada Qaranka Lr.77/2018.
3. In waalidiinta si dhaw ula socdaan xaalada waxbarasho ee ardayda. Isla markaana ka qayb-qaataan dhismaha Guddi Waalidiinta Dugsiga oo door muuqda ku yeesha horumarinta iyo maamulka dugsiga iyo waliba hawlaha waxbarasho ee lagu kobcinayo garaadka ardayda dugsiga.
4. Guddidu waxa ay go’aamisay inaan ardayda laga qaadi karin lacag aan ahayn feega bisha
5. Waxa la farayaa maamulka dugsiga wiilasha ee Nuuradin iyo dugsiyada kale ee dalka in aan ardayda laga qaadi karin lacago ka baxsan feega dugsiga, haddii aan ogolaasho qoraal ah laga haysan Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska.
6. Guddidu waxay go’aamisay ina baadhis dheeraad ah lagu sameeyo Buugaagta Manhajka Qaranka oo lagu xardhay magaca Dugsiyada Nuuradiin, iyagoo aan ogolaansho laga haysan Wasaaradda Waxbarashada; isla markaana ardayda dugsiyada Nuuradiin dhigata ku qasba inay iibsadaan buugaagtaa ay Nuuradiin ku qoran tahay oo keliya. Kuwaasoo lagu iibiyo qiimo aad uga sarreeya, kaas oo xad-gudub ku ah hanaanka dhaqaale ee suuqa xorta ah. Sidoo kale guddu waxay goaamisay in dugsiga Nuuradiin joojiyo iibka buugtaa laga bilaabo marka goaankani soo baxo.
7. In maamulka dugsigu aanu ardayda iyo waalidiinta wax talaabo ah ka qaadin ilaa inta baadhista hay’adaha nabadgelyadu soo dhammaystirmayaan.
8. Guddida waxa u caddaatay in tirada ardayda ah fasalada dugsiga wax-ku-bartaa ay aad uga badan yihiin tirada ay waajibiyeen Siyaasada Waxbarashada Qaranka iyo Hab-raaca Xanuunka KALA-ROORA (COVID19) oo labaduba waajibiyay inuu arday waliba helo mitir laba jibaaran (Tusaale ahaan fasalka cabirkiisu 48 mitir oo laba jibaaran, waxaa markiiba wax ku fhigan kara 45 arday ugu badnaan). Sidaa awgeed, waxaa maamulka dugsiga Sare ee Nuuradiin (wiilasha) la farayaa inuu ardayda dugsigaa dhigata ku jaangooyo sharciga. Halkaasoo ardayda dugsiga Wiilsha ee Nuuradiin loo kala qaybin karo labada gelin ama in dugsigu kiraysto dhisme kale.
9. Si dhawro haybadda goobaha waxbarasho ee nidaam sharciga waafaqsan ku shaqeeya, maanta laga bilaabo cid kasta oo ku kacda magac-gub been abuur ah oo lagula kacay goob waxbarasho waxaa lagu oogi doonaa dacwad ciqaabeed. Iyadoo wasaaraddu dhiirigelinayso in qof kasta oo goob waxbarasho dhaliilaya ama ka cabanayaa uu qoraal rasmi ah u soo gudbiyo xafiisyada Wasaaradda Waxbarashada ama ay soo wici karaan Xarunta Wicitaanka Dadwaynaha ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska oo lambarkeedu yahst 9666
Kaasoo laga soo wici karo dhamaan shirkadaha is-gaadhsiinta ee Somaliland ka shaqeeya.
10. Guddidu waxa ay go’aamisay in arday kasta oo ay ku caddaato rabashadihii dugsiga ka dhacay ay wasaaraddu si gaar ah uga qaadi doonto talaabooyinkan:-
10.1. In aan loo ogolaan in uu ka qayb-qaato deeqaha waxbarasho ee gudaha iyo dibaddaba oo ay Wasaaradda Waxbarashada iyo hay’adaha kale ee dawladu bixiyaan.
10.2. In aanay ka qayb-gelin tartanada goobaha waxbarashada sida ciyaaraha, kedisyada iwm guddo iyo dibadba.
11. Guddidu waxa ay go’aamisay in macallimiinta iyo maamulka ay ku caddaato inay ka qayb galeen ama iyagoo ka-hortagi kata joojin waayay rabashadii dugsiga ka dhacay ay wasaaraddu si gaar ah uga qaadi doonto talaabo sharciga waafaqsan
12. In dugsiga Wiilasha ee Nuuradiin la furo Sabtida 13/03/2021.
13. Fulinta iyo dabagalka go’aamadan waxaa masuul ka ah gudoonka Waxbarashada ee Gobolka Maroodi Jeex iyo Degmada Hargeysa.
14. Go’aankani waxa uu soo baxay maanta oo taariikhdu tahay 10/03/2021.
Xubnaha Guddida
1. Xuseen Cabdi Cawil Guddoomiye
2. Sucaad Maxamed Cabdi Gudd ku-xigeen.
3. Cabdiqadir Cabdilahi Jaamac (Jeex) Xubin
4. Yuusuf Xuseen Maxamed Xubin
5. Cabdikarim Xasan Maxamed Xubin
6. Aamina Casayr Magan Xubin
Allah Mahad leh