‘ Diiwaangelintu maxay muujinaysaa ”.

0
420

” Diiwaangelintu maxay muujinaysaa ”.

W/Q Axmed Nuur Guruuje

Diiwaan-gelintu waa nooc ka midda waxyaabaha la yidhaahdo xog-uruurinta , xog uruurin kastana marka la hello waa lagga hadliyaa waxaana la iska waydiiyaa suaalo ka dhasha xog uruurinta , suaalahaas ayaana sabab u noqda helista xalalka loo baahan yahay

Hadaba Diiwaangelintan maalinta dhawayd lasoo bandhigay hadaynu si yar oo kooban gees uga yara eegno .

Somaliland waxay ahaan jirtay laba qaybood oo isu dheelitiran kuwaas oo kala ah Barri iyo Galbeed .

1- Hargaysa , Berbera iyo Boorama waa Galbeed .

2- Burco , Ceergaabo iyo Laas-caanood waa Barri .

Hadaba labadaa qaybood oo isku dhadhawaa dhinaca Dadka ayay diiwaan-gelintani muujinaysaa in wax wayni iska badaleen sababtoo ah

Gobolka Maroodi-jeex waxaa iska diiwaangelisay 499,000 .

Goboladda Togdheer , Sool iyo Sanaagna 481 ,000 .

Marka la kala jarro wadarta 3 Gobol ee Barri iyo Gobolka Maroodji-jeex , waxaa soo baxaysa in Gobolka Maroodi-jeex dheer yahay 3 Gobol ee Barri 18 kun oo cod .

Arrinta labaad ee Diiwaan-gelintan ka muuqataa iyana waxay tahay , In Gobolka Sool aad usoo kabanayo maxaa yeelay Diiwaangelintii horre waxaa iska diiwaangeliyay 64 kun oo qof halka imikana 45 kun ,iyadoo is badalkaasi ku dhacay muddo aad u kooban .

Waxa kale oo iyana is diiwaangelintani muujinaysaa in Gobolka Sanaag oo ah Gobolka ugu baaxad wayn Somaliland hadana yahay Gobolka Dadka ugu yari iska diiwaangeliyeen , iyadoo tiradda guud ahaan Gobolka iska diiwaangelisayna ay tahay mid aan u dhigmin baaxadda Gobolka iyo qiyaasta lagga filayo

Sidaa darteed Gobolka Sanaag waxaa ka muuqata soo kabasho la’aan iyo dib udhac loo baahan yahay in xoog looga gacan qabto