Somaliland : 48 Qof Oo Ku Dhaawacmay Dab Ka Kacay Mac-had Diini Ah

0
293

 

Somaliland : 48 Qof Oo Ku Dhaawacmay Dab Ka Kacay Mac-had Diini Ah

Hargeysa (Sayruuq) – 48 Qof ayaa ku dhaawacmay Dab xooggan oo Maanta gelinkii dambe ka kacay Dugsiga Culuumta Diinta Islaamka ee Dacwa oo ku yaalla Xaafadda Daruuraha ee Magaalada Hargeysa.

Dabkan oo ka kacay Xarunta Machadka oo dhisme laba dabaq ah, ayaa waxa ku dhaawacmay 48 Qof, kuwaasi oo 40 dumar yihiin 8-na Rag, sida lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo baxay Ciidammada Dabdamiska ee Caasimadda Hargeysa.

Dadka dhaawacmay ayaa ka mid ahaa 250 Arday oo dhigta Machadka Dacwa, waxaana dadka dhaawacmay la dhigay Cisbitaalka guud ee Hargeysa.

War Qoraal ah oo ay soo saareen Ciidanka Dab-demisku waxay sheegeen inay si deg-deg ah uga hawlgaleen la tacaalidda dabkaas iyo samata bixinta dhamaan dadkii ku sugnaa Mac-hadkaas.

Dadka ku dhaawacmay Dabkan ayaa isugu jiray 40 dumar ah iyo 8 rag ah, waxaa sidoo kale dhaawacmay askari Dabdemiska ka tirsan.

Taliyaha ciidanka dab-demiska Somaliland sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili, duqa caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid iyo Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed ayaa ka hadlay dhacdadan, waxaanay guud ahaan wacyigelin u jeediyeen in bulshadu ay dhismayaasha u sameeyaan meelo laga baxo haddii dab ka dhaco, waxaanay bogaadiyeen shaqada ciidanka Dab-demiska Somaliland u hayo bulshada.

Machadkan ayaa waxaa dhiganayay arday gaadhaysa 250 arday, kuwaasi oo ku baranayay culuumta diinta, waxaana ciidanku badbaadiyay dhamaan ardaydaas.

Dhismahan ayaa ka koobnaa laba dabaq oo kala ahaa 20 qol iyo masaajid, Ardayda dhaawacu soo gaadhay ayaa dhaawacadu sababay daadgurayntii iyo iyagoo iska soo tuuray qaarkood dabaqa sare, ka hor intii aanu ciidanka Dab-demisku soo gaadhin goobtaas.

Warku waxa uu intaas ku darayaa inay jiraan arday ku neef qabatoobay qiiqii Dabkaa ka dhashay.

Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya oo baadhaya Ciidanka Booliska ka Somaliland.

Geesta Kale Ciidanka Dab-demiska magaalada Hargeysa ayaa damiyay dab qabsaday Guri Daar ah oo ku yaalla xaafada Jameecada ee degmada Maxamuud Haybe.