Madaxweyne Biixi Oo Beri Hor Tagaya Baarlaamanka

0
316

Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Isniinta Berri hor-tagaya labada Gole ee Baarlamaanka.

Madaxweynaha ayaa labada Gole ka horjeedin doona Khudbad-sanadeedka Dastuuriga ah, taasi oo uu sida Caadiga ah kaga warramo Arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda Arrimaha dibedda, Caafimaadka, Waxbarashada, Difaaca, Doorashooyinka iyo Arrimo kale oo muhiim ah.

Sidaana waxa shalay Mudaneyaasha Golaha Guurtida ku War-geliyey Guddoomiyaha Golahaasi Md. Saleebaan Maxamuud Aadan oo hadal ka jeediyey Fadhigii Shalay.

Guddoomiyaha oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Isniinta haddii Ilaahay yidhaahdo, Madaxweynaha ayaa imaanaya, Goleyaasha khudbad-sanadeedkii ee uu Xaaladda dalka kaga warramayey weeyi.”

Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan wuxuu Mudaneyaasha Golaha Guurtida ku adkeeyay inay Isniinta ka soo qayb-galaan fadhiga labada Gole ee Madaxweynuhu khudbadda ka jeedinayo.

Khudbad-sanadeedka uu Madaxweynuhu jeedinayo, ayaa noqonaysa tii saddexaad ee uu Madaxweyne Biixi ka hor jeediyo labada Gole ee Baarlamaanka.

@Geeska Afrika