“Jabuuti Wax Gaar ah oo ay inaga Doonaysaa Ma Jirto “ Wasiirka Biyaha Somaliland

0
543

Wasiirka horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diirye ayaa sheegay in dawladda Jabuuti aanay wax gaar ah ka doonayn dalka taasi oo Meesha ka saartay wararkii sheegayey in dawladda Jabuuti ay Somaliland ka doonayso ceelal ay biyo ka hesho .

 

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye oo la hadlay warbaahinta dawladda ayaa xussay in dawladda Jabuuti ay garab taagan shacabka iyo jamhuuriyadda Somaliland,

 

“arrinta biyaha Jabuuti wax gaar ah oo ay inaga doonaysaa ma jirto, in ay wax inala qabto oo ay doonaysaa, Hargeysa ayeynu waraabin kari la’nahay  oo culays badan naga haystaa , dooxa haddaynu u qabano magaalada Hargeysa way dhergi “ ayuu yidhi