Mashaariic dhismayaal ah oo laga wado xarunta Gobolka Sanaag ee Magaaladda Ceerigaabo.

0
386

Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Madax kale oo wehelisa ayaa maanta soo Kormeeray Mashaariic dhismayaal ah oo laga wado xarunta Gobolka Sanaag ee Magaaladda Ceerigaabo.

Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Axmed C.risaaq Diiriye iyo Muuse Faarax Jaanbiir oo xubin ka ah guddidaas iyo Weliba Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan waxay soo kormeereen mashaariic ay guddidani bixiyeen qandaraasyadooda oo ay ka mid yihiin Garoonka Kubadda Cagta ee Daallo Stadium oo roog la dhigayo, Garoonka diyaaradaha ee Magaaladda Ceerigaabo oo dib u habayn iyo dayactir lagu samaynayo, Dhismayaal lagu soo kordhinayo Jaamacadda Sanaag University, Xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Sanaag oo gacanta lagu hayo, Xarunta Ciidanka RRU-da iyo Dhismaha Qasriga Madaxtooyada ee Magaaladda Ceerigaabo.

Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Nuux Maxamed Xuseen ayaa sheegay inay daba socdaan isla markaana ay qiimayn ku samaynayaan Sida ay u socdaan mashaariicdaas ay qandaraasyadooda bixiyeen waxaanu intaas ku daray inay warbixin rasmi ah ka soo saari doonaan shirkadaha sidii loogu talo galay u wada mashaariicdaas iyo Kuwa gaabisku ka muuqdo shaqadoodda.

Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka Axmed C.risaaq Diiriye iyo Muuse Faarax Jaanbiir oo xubin ka ah guddida heer qaran ee Qandaraasyada Qaranka ayaa sheegay in iyadoo la fulinayo Siyaasadda Xukuumadda JSL laga hirgaliyey gobolka Sanaag Mashaariic wax ku ool ah oo wax weyn ka taraya baahiyaha bulshadda.

Gudoomiyaha Gobolka Sanaag Eng Axmed Cismaan Xasan ayaa gabo gabadii u mahadnaqay Guddida Qandaraasyada Qaranka ee socdaalka shaqo ku yimid xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo waxa uu gudoomiyuhu ka codsaday guddidan in marka ay bixinayaan Qandaraasyada ay mudnaanta kowaad siiyaan shirkadaha ka hawl gala Gobolka Sanaag.