Malawi Oo La Filaayo Inay Aqoonsada Somaliland

0
880

Malawi Oo La Filaayo Inay Aqoonsada Somaliland Akhriso Warar Kaa Qarsoon .

Somaliland waxaa maanta booqasho aan hore loo sii shaacin Ku yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Malawi, mudane Eisenhower Mkaka .

Wasiirkan reer Malawi waxaa la socda xildhibaano Baarlamaanka dalkiisa ka tirsan .

Warar ay Saxaafadu ka heshay ilo Diblomaasiyeed ayaa sheegaya In la filaayo in Malawi noqoto dalka koowaad ee ku dhawaaqa aqoonsiga Somaliland , waxaana xogohaasi sheegaan in la diyaariyey ilaa 7 dal oo iyagun ku dhawaaqi doona aqoonsiga Somaliland.

Waxaa xusid mudan in wasiirkan arimaha dibada Malawi ee maanta Hargeysa yimid in todobaad ka hor uu tagay dalka Isreal .

Isreal ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey wadey qorshe ay xidhiidh cusub kaga sameysanso dalalka Carbeed iyo kuwo Africa , waxaana xidhiidh cusub isreal la bilaabay Imaaraadka Carabta ah saxiibka koowaad ee Somaliland .

Sidoo kale madaxweynaha Somaliland ayaa dhawaan heshiis la soo galay madaxweynaha dalka Kenya , iyada oo la sheegayo in madaxweyne Biixi Kenya kula kulmay diblomaasiyiin shisheeye oo aan Kenyan aheyn.

Ugu Danbeyn maalamaha soo socda waxaa la filaaya inay Hargeysa yimaada wasiiro arimo dibadeed oo dalalka Africa iyo Carabta ah.