Kenya Airways oo Duulimaadyo ka Bilaabaysa Nairobi iyo Hargaysa

0
449

Hargeysa (CS) Kenya Airways (KQ) ayaa bilaabi doonta duulimaadyo toos ah oo u kala gooshi doona garoonka caalamiga ah ee Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi (JKIA) iyo garoonka Egal Air port magaalada Hargeysa ee Somaliland bisha March, 2021. Kadib markii ay heshiis qalinka ku wada duugeen Madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo Madaxweynaha Somaliland Muse Biixi Cabdi, Tallaabadan oo bilow u noqon doonta xidhiidhka Nairobi iyo Hargaysa waxaan jeclaysan doonin Muqdisho.

Hadal ay soo saareen Salaadadii, labada madaxweyne ee labada dowladood waxay ku heshiiyeen qodobo lix gaadhaya oo ay ka mid ahaayeen duulimaadyada tooska ah ee Somaliland. Sidoo kale waxa duulimaadyada ku lug yeelan doonaan diyaaradaha kale ee Kenya laga leeyahay.

Qorshayaashan duulimaadka Hargeysa ayaa imanaya shan bilooduun kadib markii shirkadda duulimaadka jaban ee Kenya -Jambojet hakiyeen qorshayaal ay duulimaadyo tooska ah uga bilaabi lahaayeen JKIA iyo caasimada Soomaaliya ee Muqdisho sababo la xidhiidha ceymiska sare ee loo baahday si loo maro wadadaa.

Qorshayaasha KQ ay ku dooneyso inay duulimaad toos ah ku tagto magaalada Hargeysa ayaa ka dhashay booqashada rasmiga ah ee madaxweynaha Somaliland Muusa Biixi uu ku tagay Kenya Sabtidii, safarkaas oo ka cadhaysiisay Soomaaliya oo diidan in Somaliland si toos ula macaamisho Kenya.

Sidoo kale Soomaaliya waxay diiday casuumada loo fidiyey madaxweyne Muuse Biixi uu ka helay Nairobi. Subaxnimadii Salaasadiina waxay ku dhawaaqday inay xidhiidhka diblomaasiyadeed u jartay Kenya.

“Si loo hirgeliyo ballanqaadyadii la gaadhay oo duulimaadyadu qayb ka yihiin, Kenya Airways iyo diyaaradaha kale ee Kenyaba waxay bilaabi doonaan duullimaadayada tooska ah ee Nairobi iyo Hargeysa dhammaadka bisha March, 2021,” ayaa lagu yidhi hadalka ka soo baxay Aqalka Madaxtooyada, Nairobi Salaadadii.

Xigasho

Business Daily.