Cabdillaahi-dirawal Oo Dhaliilay Midhaha Safarkii Madaxweyne Biixi Ee Dalka Kenya

0
438

Cabdillaahi-dirawal Oo Dhaliilay Midhaha Safarkii Madaxweyne Biixi Ee Dalka Kenya

Hargeysa (Sayruuq) – Siyaasiga Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) ayaa ka hadlay Safarkii Madaxweynaha Somaliland ku tagay dalka Kenya, aamusnaanta Xukuumadda ee Xaaladda ka taagan dalka Itobiya iyo Arrimo kale oo Somaliland khuseeya.

Mujaahid Cabdillaahi-dirawal oo Jimcihii Shalay u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in safarka Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu ku tagay dalka Kenya uu shaki badan ku xeeran yahay, marka la eego xilliga uu ku soo beegmay oo ah xilli Soomaaliya iyo Kenya ay xurguf weyni dhex taallo.

Dirawal oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Waxaan ka hadlayaa Safarka uu Madaxweynuhu ku tagay Kenya ee aadka loo bogaadinayey, Arrinku hadduu noqdo waalla tagay oo waa laga soo noqday wax alaale iyo wax ay qiimo leedahay ma jirto. Safarkaa Kenya Shaki badan baa ku xeeran, taasi oo ay ka mid tahay Wakhtiga uu tagay, wakhtiga aynu Kenya tagnay waa Wakhti ay Kenya is dileen oo ay dhici karto in lagugu xoqayo oo wax ka dambeeyaaba jirin.”

Dirawal wuxuu su’aalo iska waydiiyey in Kenya ay Soomaaliya ku beddelan karto Somaliland “Su’aalo kale waa in la iswaydiiyaa, Kenya miyey Soomaaliya ina siisan kartaa, ma innagu beddelan kartaa, anigu waxaan qabaa Maya. Kenya waxa yaalla obocdii Soomaaliya oo dhan, Kenya waxa yaalla Qoxootigii Soomaaliya oo dhan, Hay’adihii Soomaaliya oo dhan baa yaalla, wax alaale iyo waxa Soomaaliya loo wada oo dhan baa mara. Tagida Soomaaliya iyo hadalkii adkaa ee Soomaaliya soo saartay siday Kenya uga jawaabtay ayaad ka garanaysaa inay Culays ku hayso, waxayna yidhaahdeen ‘Annagu la ficiltami mayno’, waxaad arkaysaa in aanay ka maarmayn oo ay wax weyn ku fadhido, Waayo? wixii Soomaalida Koonfurtu haysatay halkaas bay yaallaan (Kenya), Kenya ayayna Faa’iido u tahay oo ay dhaqaalaheeda galaysaa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Xitaa haddii ay wax inooga suuroobaan maaha dal aynu jaar nahay oo intaas oo waddan baa inoo dhexeeya, berigii Isticmaarkii baanu wax isku ahayna imika ma shaqaynayso, Caalamku waa Dano, waddan walba meesha Dan ugu jirto ayuu ka shaqaynaya, waxaana filayaa inay ku jirto Taxadar badan (Kenya), ninkii aad kula tartamaysayna hadduu kaaga awood badan yahay, waxaad ka soo qaadanaysaa wuu yaraanayaa.”

Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Dirawal) wuxuu ka hadlay hadal uu Madaxweyne Biixi sheegay oo ahaa inay Soomaaliya ka saarayaan dal kasta oo ay xidhiidhka u jarto “Madaxweynuhu wuxuu yidhi meeshii kasta ee Soomaaliya xidhiidhka u jartaba waanu ka saaraynaa, Guinea Conakry baa shalay ahayd, miyaad hadalkeeda dib u maqasheen, haddii laga saaro oo aan waxba laga qabsanayn macno ma samaynayso, anigu waxaan qabaa inay arrintaasi u baahan tahay Fikir badan iyo xirfad siyaasadeed oo badan lagula shaqaysto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu Xukuumadda ku canaantay in aanay weli ka hadal Xaaladda Itoobiya “Illaa bishii November, Itoobiya oo jaarkeena ah oo sida Soomaaliya iyo Kenya isku yihiin aynu isku nahay, wanaagga ay helaan iyo dhibaatada gaadhaa mid walba uu saamayn innagu leeyahay, Dawladdeenu illaa Maanta kamay hadal, waa Nasiib-darro, sababtuna waxa weeyaan Qaran baynu sheeganaynaa, Qaran baynu u dagaalamaynaa, markaa wax kasta oo inaga hor-yimaadda hadday mur ka qadhaadhahay waa inaynu wax ka nidhaahdo, haddii kale Maamul-gobolleed baynu nahay oo Farmaajaa inoo yeedhiya, markaa Mawqifkeenu ma kii Farmaajo ayuu noqonayaa, waxay ila tahay inuu noqonayo haddii Dawladdu dhaqso uga hadli waydo, imika waaba habsane. Ta kale Qaranimo laguma raadiyo Gabbasho iyo aamusnaan, Ninka ku damacsanina gabbasho iyo aamusnaan kugu dayn maayo, markaa waxa loo baahan yahay in Qarankani badheedho oo uu wax ka yidhaahdo waxa ka socda meesha (Itoobiya), waxa agtiisa ka socda ee saamaynta ku yeelanaya ee weliba ta u weyn ku yeelanaya.”

 

Source: Geeska