Booqashooyinkii Madaxweynayaashii Somaliland Soo Maray

0
649
Inta aan xusuusan ahay, Cabdiraxmaan-Tuur wax uu booqasho rasmi ah ku tagay Ingiriiska oo si weyn loo ga soo dhoweeyay, sidoo kale dalka Imaaraadka oo uu aayaha Soomaalilaand ka la shiray madaxda u gu sarraysa. Ina Cigaal Maraykan ayuu tagay oo si heer sare ah loo ga qaabbilay, wadahadal dheer oo macno lehna la yeeshay, sidoo kale dalal ay ka mid tahay Yaman oo markaa quwad ahayd. Rayaale dalal badan baa la ga casumay, xilligiisiina Soomaalilaand waxaa yimid wufuuddii u gu maqaam sarraysay, wax ayna Soomaalilaand heshay ammaanta caalamka oo dhan. Siilaanyo dalalka sida rasmiga ah loo ga casumay ee wadahadalka muhiimka ahi dhex maray waxaa ka mid ahaa Ingiriiska oo uu raysalwasaaraha la shiray.
Bal haddaba Budhcadda Qabyaaladeed ee Qamuunyo horjoogaha u yahay u fiirso aayo xumadeeda. U gu horrayn waxaa la illaaway oo jadwalka shaqada ka baxay, hawlaha dawladda iyo xusuusta bulshadaba ka masaxmay, aqoonsigii, sidiisaba. Sumcaddii Soomaalilaand dunida ku lahayd wax ay ku shiiqday ZERO, ilaa warbaahinta iyo diblomaasiyadda dunida la gu qaadaadhigo in Soomaalilaand dadkeedii ka la daatay oo la gu ka la dareerayo. Si rasmi ah laakiin aan afka la ga odhan Soomaalilaand wax ay noqotay maamul goboleed, maamulka Qamuunyo ayayna taasi ka muuqatay, ilaa uu xubnaha Isaaq ee Muqdisho soo xuliddooda qayb ka noqday.
Albaabbada ayaa Soomaalilaand la ga wada xidhay, meelaha uu Qamuunyo tagayna marnaba ma ahayn hawlo siyaasadeed oo dawladnimada u adeegaya: Jabbuuti jinsiyaddeeda ayuu sitaa, ina adeertii oo halkaa la gu qabo ayayna lacagtu isu gu jirtaa, markaa tegistiisu Soomaalilaand macne u ma leh. Imaaraadka waxaa u ga yeedhay shirkadda DP World oo dan aan xalaal ahayn marsatay abaalkii doorashada ka dib. Addis qafaal baa la gu geeyay isaga oo garbaduuban, saacado ka dibna waa la iska soo daayay isaga oo ihaanaysan. Gini oo aan haba yaraatee siyaasad iyo dhinac kale toonna waxba innooga tari karin waxaa u ga yeedhay shirkad yar oo gaar loo lee yahay oo macdanta ka shaqaysata, wax la’aan iyo lacag aad u badan oo umadda ka ga luntay ayayna ku dambaysay. Kiiniya 48 saacadood gudahood bay goosatay in ay u yeedho keliya in ay ku nijaasayso dawladda Soomaaliya ee muranka daroogada Miiroo u badani ka haysto.
Budhcadda Qamuunyo hadafkeeda nolosha iyo hawsheedu marnaba ma aha, mana ahayn, guulaynta aayaha Soomaalilaand, ee waa xintan gudaha ah, aarsi, sedbursi qof, qabiil iyo degmo, is naasnuujin dhexdooda ah, iyo si danahaasi u fulaan burburinta iyo curyaaminta horumarka iyo nabadda dalka intiisa kale iyo dadka intooda kale.
Waa wax aad loo gu farxo maanta umaddii in ay baraarugtay oo xisaabtan loo soo wada jeestay.
WQ: Ibraahim Hawd