Buhoodle(CS)-Masuuliyiin ka tirsan Shirkadaha Dahabshiil Group, Madax Dhaqameed, Culimo-udiin iyo haldoor kale oo bulshada ah, ayaa shalay farxadda kala qaybgalay 120 (Boqol iyo Labaatan) Arday oo sannadkan ka qalinjebisay jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Buhoodle, kuwaas oo ah dufcaddii 6-aad ee wax ka barata Jaamacadda.
Munaasibadda qalinjebinta Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Buhoodle oo laga jeediyey hadallo lagu dhiirrigelinayo Ardayda waxbaratay, islamarkaana loogu mahadnaqayo cid kasta oo kaalin kasoo qaadatay inay heerkan soo gaadhaan, ayaa sidoo kale ardayda loogu jeediyey dardaaran iyo wax sheeg la xidhiidha sidii ay ardaydaasi dadkoodaba horumarkiisa uga shaqayn lahaayeen.
Geesta kale, Masuuliyiinta ka socotay Dahabshiil Group ayaa xadhiga ka jaray dayactir lagu sameeyay Jaamacadda oo ay maal-geliyeen Shirkadaha Dahabshiil Group.
Ugu horrayn Gudoomiyaha Guud ee Jaamcadaha Bariga Afrika Sheekh Cabdiwaaxid Xaashi, Gudoomiyaha Guddida Sare ee Jaamacada, Bariga Afrika Faraceeda Buhoodle Dr. Axmed Jaamac Ismaciil Mire, Cabdiraxmaan Saleebaan Aw-Muuse, iyo Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika Sh. Cabdulaahi Cabdisamad ayaa ku dheeraaday taariikhda jaamacadda Bariga Afrika, iyaga oo sidoo kale xusay una mahadceliyay is-garabka taaga Dahabshil Group ee guud ahaan Bulshada Gobolka Buhoodle, gaar ahaana Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Buhoodle.
Ugu dambayn, Samir Ducaale oo ka tirsan masuuliyiinta Somtel ayaa hambalyeeyey ardayda jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Buhoodle ka baxday iyo ciddii gacan ka geysatay guushooda waxbarasho, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,
“Waxa aan hambalyeynayaa oo dhiirrigelinayaa ardayda maanta qalinjabisay iyo waalidkii kusoo tabcsay, sidoo kale waxaan ardayda ku dhiirigelinayaa in ay iska-wax u qabso ugu shaqeeyaan dadkooda”
Masuulkan ayaa sidoo kale sheegay in Dahabshiil Group ay mar kasta garab taagan tahay Isku-tashiga ay sameeyeen reer Buhoodle. Dayactirkan maanta xadhiga laga jarayna aanu ahayn waxqabadkii ugu horeeyay ee shirkadu ka geysatay gobolkan. Balse ay shirkadu qayb lixaadle ka qaadatay mashariiic ay ka mid yihiin.
- Yagleelkiii Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Buhoodle, Ilaa haddana ay shirkadu garab taagan tahay.
- Wadada Laamiga ah ee dhexmarta Magaalada.
- Daryeelka caafimaadka dhimirka.
- Gurmadkii Abaaraha
- Horumarinta Arrimaha Nabadgelyada ee Gobolka.
Ugu dambayn, Samir Ducaale ayaa sheegay in sanadka soo socda Bangiga Dahabshiil uu farac ka furan doono magaalada Buhoodle, sidoo kalena uu Bangigu ka bilaabi doono adeeggyada maal-gelinaha fudud (Micro Finance Services)
Waa Bilaahi Tawfiiq.