HAB-RAACA MUSHARRIXIINTA.

0
601

HAB-RAACA MUSHARRIXIINTA.

Waxaa muuqata sababta Mudanayaasha Golayaasha Deegaanka ee Degmooyinka ay u badan yihiin dad aan ku habnoonayn, xi-kas ahayn ama aan karti maamul lahayni ay ugu mudan tahay in aynaan si guud u fahmin ujeeddada iyo hab-raaca qabsoomidda doorashada.

Iyada oo qof kasta oo buuxiyay shuruuduhu xaq u leeyahay in uu i sharraxo, sida hadda wax u socdaan ee meel walba musharraxa lagaga baaqayaa waa mid aan habboonayn xeerkana aan waafaqsanayn.

Guud ahaan qabsoomidda doorashooyinka kala duwan waxaa aas-aas u ah Xisbiyada maadaama oo aanu jirin hannaan madax-banaan oo qof kastaa isku sharrixi karo, sidaa awgeed xisbiyadu iyaga oo gudanayana mabaa’diida ku tilmaaman Xee Lr.14/2011 iyo Xeerka Guud Ee Doorashooyinka Qaranka iyo Cod-bixiyayaasha Xeer.Lr.91/2020 waa in ay midaamka loo samaynayo liisaska musharrixiinta u hoggaansamaan, isla markaana waa in ay ka fogaadaan in ay beel ama deegaan ku baaqaya musharrax taageero u muujiyaan.

Hannaanka samaynta liisaska musharrixiinta waxa loo raacayaa si waafaqsan xeerka, mana jiri karo beel ama deegaan ku dhawaaqi kara musharrax oo sida doorasho ku gelaya.

Arrinta kale ee iyana aan arkay ee muujinaysa fahamka iyo tartanka doorashada in aanay dadka badankiisu xog badan ka haysani, ma jiro musharrax u tartamaya Duq Degmo (Mayer), bulshada degmo kastaa waxay dooranayaan Mudane Deegaan oo wadarta mudanayaasha loogu yeedhayo Gole Deegaan, iyada oo golahaasi hadhow iska dhex dooranayo Guddoomiye iyo Ku-xigeen Guddoomiye sidaana ku noqonaya Duqa iyo Ku-xigeenka Degmada, sidaa awgeed qof kasta oo yidhaahda waxaan ahay musharrax u tartamaya Duq Degmo, isla markaana ballamo iyo qorshayaal bulshada ku dawikhinayaa waxaa muuqata in aanu wadadii saxda ahayd ku taagnayn fahamkiisuna khaldan yahay.

Maqaaladdii Hore ee Qoraaga

Xaqa Nolosha Garyaqaan Abdirahman Hirad

MAXAA INOO DAN AH?. W/Q Garyaqaan Cabdiraxmaan Hirad

Garyaqaan Cabdiraxmaan Hirad