Dahabshiil Group oo soo Bandhigtay adeegga cusub ee eDahab Public API

0
595
Sacad Muse Abdi - Dahabshiil Marketing Manager

Hargeysa(Codka Somalilad )-Shirkadda Dahabshiil Group ayaa munaasibad balaadhan ku qabtay magaalada Hargeysa, kaasi ay ku soo bandhigaysay Adeega eDahab Public API oo ah adeeg casri ah oo gancsiyadda Online ka ah u sahlaya in macaamiishoodu ay si fudud wax uga iibsan karaan.
Adeegan waxaa uu muhiimad weyn u leeyahay ganacsatadda kala duwan iyo cid kasta oo hab online ah wax ku iibinaysa.
Munaasibadii adeega lagu shaacinayay adeega waxaa ka soo qeyb galay wasiiro agaasimayaal, masuuliyiin ka kala socday jaamacadaha, siyaasiyiin iyo xubno kale.

Sacad Muse Abdi -  Dahabshiil Marketing Manager

Ugu horeyn waxa ka hadlay Madaxa Suuqgeynta Shirkadda Dahabshiil Group Sacad Muse abdi “waad ogtihiin Shirkadaha Dahabshiil Group markasta waxay isku dayayaan in ay soo kordhiyaan adeeg wax ka taraya ama xalinaya mushkilad ka taagan dalkeena ama ganacastadaba, runtii adeegan waxaan ugu talo galynay inuu door weyn ka qaato isla markaana kobciyo ganacsatada yaryar, ganacstada waaweyn iyo wixii la mid ah inuu qeyb muhiim ah ka qaato koboca dhaqaalahooda isago fudeydinaya in qofku si fudud wax ugu iibsan karo bartiisa onlie ka ah ama mobilkiisa iyo wixii la mid ah.”

Adeega casiriga ah ee Edahab Public IPI waxaa loogu talagalay shirkadaha waaweyn, shirkadaha dhexe, shirkadaha yar yar iyo dhamaan ganacstada somaliland si ay dhamaan tood ugu soo xihdmaan adeega Edahab iyadoo dhamaan barnaamijyada shirkaduhu ay isticmaalaan sida web edcation ka, mobile aps ka iyo dhamaan adeegyadda kale shirkad kasta iyo ganacsi kasta uu dhamaantii ku soo xidhmi karayo adeega Dahabshiil Group ee ah Edahab iyadoo talaabooyin yaryar oo kooban qofku isagoon xafiisna iman wakiilna u tagin uu ka masuul yahay Dahabshiil isagoo gurigiisa jooga ama xafiiskiisa jooga uu si yaroo fudud u soo codsan karayo user kiisa.

Shirkadda dahabshiil Group ayaa sheegtay in habkan casriga ah uu anfacayo ganacsatadda ku ganacsta dagaladda Enternetka ee oline ka wax ku iibiya iyo jaamcadaha oo aradaydoodu lacagta ku bixinayaan qaab online ah iyo shirkadaha tignoolajiga iyo shirkadaha ku shaqeeya loojastigada. Shirkada ayaa sidoo kale ku dheertay in ay markasta diyaar u yihiin hadafkooda kowaadna yahay raali galinta iyo adeegida macamiilka sidoo kale daaha ay ka faydaan awoodaha iyo kartida ay dadku leeyihiin oo iyagoo la wadaagaya mudananaha dalka yaala taasina ay tahay mida ay barnaamijka adeega Casriga bulshada ula wadaageen.

Masuuliyiin iyo siyaasiyiin kala duwan oo munaasabadda ka soo qeyb galay ayaa iyaguna dhankooda ku dheeraday faaiidada uu leeyahay adeegan casriga. Wasiirka Wasaaradda Shaqadda iyo Arrimaha Bulshadda Marwo Hinda Jaamac Gaani oo madasha ka hadashay “maanta application ka aynu u fadhino Edahab Oline ganacsigu qofku ku samaysanayo ama uu ka dalbanayo ama uu ku iibinayo oo ku iibsanayo waa wax inagu soo kordhay oo aan markhaati ka nahay in somaliland yahay wadan horumaray inuu yahay runtii wadan nabadgaliyo ku sugan wadan caalamka kale la jaanqaadaya.”

Dhankeeda waxaa adeegan ka hadashay Dr Adna Adan Ismaaciil oo ah Aasaasaha Dhakhtarka iyo jaamacadda Edn Adan “shirkadaha Dahabshiil oo kale u amaani maayo in aan nahay dad saaxiib ah oo ehel ah oo gacal aan nahay oo kaliya, waxaan ku amaanaya waxtarka ay wadanka somaliland ku leeyihiin, waxaan aad u dhaliilayaa hay`adaha nagu qasba in aan baan kaliya oo magac leh magaca baanka sheegi maaye kuu doono ha ahaade in ay baan magaciisa nagu khasbaan oo aynu nagu idhaahdaan hadaad baanka Account ka furato ayaan kuu soo daynayanaa adeegii aan wax kaaga iibsaday ama wax noogu qabtay waana baanan meelo kale ka yimid waxaanay ka ordayaan in inaan kuweena waddaniga ah xidhiidh la yeelano, waxaan doonayaa in dowladda somaliland fiiro gaar ah ka yeelato.”

Waxaa isaguna manaasabadan bogaadin weyn iyo wada shaqeyn ku soo dhaweeyay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha iyo Dalxiiska Md Abdirahman Abdeq muxumad dhanka kale waxaa si mug leh uga hadalay waxtarka adeega Edahab Public IPI masuuliyan ka kala socday qeybaha kala duwan ee bulshadda iyagoo si isku mid ah uga dareen celiyaya adeega Edahab Public IPI oo ay ku sheegeen mid wax tar weyn u lah dalka iyo dadkaba.