FARRIIN UU JOE BIDEN U QORAY SHAQAALIHIISA IYO DURUUSTA LAGA BARAN KARO

0
376

Qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa warqad uu madaxweynaha la doortay ee Maraykanku shaqaalihiisa u qoray sannadkii 2014 kaddib markii isaga iyo madaxeynihii hore ee Obama ku guulaysteen muddo xileedkii labaad.

Warqaddan oo dhowaan uun warbaahintu heshay ayaa abuurtay falanqayno, doodo iyo fasiraado kala duwan oo laga bixiyey shakhsiyadda bani’aadamnimo ee Joe Biden iyo duruusta kala duwan ee hadalladiisan laga baran karo.

“Ku Socota shaqaalahayga heerka sare ah.

Waxa aan doonayaa in aan hal qodob idiin iftiimiyo; idinkama ogolaanayo in qof idinka mid ahi uu seego ama imaanshiyaha shaqada awgeed uga maqnaado waajibaad qoys oo muhiim ah. Waajibaadka qoyska waxaa ka mid ah, ka qaybgalka munaasabadaha dhalashada iyo sannadguuryooyinka kale ee muhiimka ah, aroosyada, qalinjebinaha waxbarashada, munaasabadaha diiniga ah iyo xilliga bukaanka ama geeridu ay qoyska ku yimaaddaan. Qodobkaasi aad ayuu iigu weynyahay. Runtiina aad ayaa ay ii cadho gelin doonta haddii aan ogaado in aad shaqada ila joogteen idinka oo soo seegay waajibaad qoys oo muhiim ah.

Arrintani sharci aan qornayn ayaa ay ii ahayd tan iyo markii aan xildhibaanka ahaa.

Waa ku mahadsantihiin shaqo wanaaggiina”

Doodaha ay warqaddani abuurtay waxaa ka mid ah in su’aalo la iska weydiiyey illaa xadka ay looshaqeeyeyaashu ka warhayaan shaqaalahooda, ama sida ay ugu diyaarsanyihiin hoos u ogaanshiyaha iyo la dareen noqoshada shaqaalahooda.

Dhinaca kalana waxa lagala baxayaa shan cashar oo aad u muhiim ah:

  1. Waxa ay shaqaalaha dareensiinaysa in muhiimad kasta oo shaqadu leedahay, haddana ay isaga kala sii weyn tahay muhiimadda uu siinayo shaqaalihiisa. Taasina waa dabeecadda iyo habdhaqanka laga rabo maamule kasta. “Qodobkaasi aad ayuu iigu weynyahay. Runtiina aad ayaa ay ii cadho gelin doonta haddii aan ogaado in aad shaqada ila joogteen idinka oo soo seegay waajibaad qoys oo muhiim ah.”
    Waa farriin qof kasta dareensiinaysa in muhiimadda uu maamuluhu shaqada siinayo mid la mid ahna uu shaqaalaha siinayo.
  2. Waxaa warqaddan uu Biden ku sheegay farriin dadban oo qof kasta dareensiinaysa in si kasta oo uu shaqaalaha ugu dhex jiro, saaxiibtinimo ugu hayo, ula dareen yahay, ulana qaybsanayo farxadda iyo murugada, haddana in uu weli isagu yahay maamulaha ay tahay in uu amarrada bixiyo. Waxa uu diray farriin dadban oo muujinaysa in qofka hadlayaa uu ka sarreeyo cidda uu la hadlayo.

  3. Marka dareenka bani’aadamnimo iyo ka warhaynta duruufta shaqaalaha laga tago. Biden waxa uu waraaqdan tababar degdeg ah ku siinayaa shaqaalihiisa. Waxa uu barayaa muhiimadda ay leedahay in qofka shaqaalaha ahi uu yeesho ‘Kala mudnaysiin’. Marka uu leeyahay “Idinkama ogolaanayo in qof idinka mid ahi uu seego ama imaanshiyaha shaqada awgeed uga maqnaado waajibaad qoys oo muhiim ah.” Waxa uu dirayaa laba farriimood oo is barkan;
    b. Marka koowaad waxa uu sheegayaa in qofku uu yaqaanno kala mudnaysiinta hawlaha kala duwan ee noloshiisa.
    Waxa ay xeeldheereyaasha horumarinta naftu sheegeen in kala mudnaysiinta hawluhu ay ka mid tahay fureyaasha guusha.
    Waxa kale oo uu Biden shaqaalihiisa barayaa in shaqada aanay isku illaawin oo ay ogaadaan in ay jiri karaan hawlo kale oo xitaa mararka qaarkood shaqada ka muhiimsani.

  4. Casharka kale ee qoraalkan ku jirtaa waa muhiimadda ay leedahay in maamuluhu uu shaqaalihiisa arrimaha lama dhaafaanka ah iyo digniinta siiyo isaga oo haddana aan ka tegeyn anshaxa iyo dabacsanaanta. Biden waxa uu sheegayaa in qof shaqaalaha ka mid ah aanu ka yeelayn in shaqadiisa uu ku dayaco ku mashquulka wax aan macno lahayn. Tusaale ahaan sababaha shaqo ka maqnaanshiyaha ayuu si dadban u caddeeyey, kumana uu darin waxyaabaha aan aadka qiimaha ugu lahayn qoyska, sida fasaxyada tamashlaha ah ee qoyska, ama in shaqada laga tago si loo soo daawado munaasabad isboortis oo qof qoyska ka mid ah qoyska ama carruurta shaqaaluhu ay leeyihiin.
    Waa suurtagal in sababahan qudhooda qofka loo fasixi karo, laakiin waxa uu dareensiinayaa in ay shaqadu ka mudan tahay, ama in aan lagu talaxtegin sababaha shaqada looga maqnaanayo. Marka uu sheegayo in arrimaha shaqada ka muhiimsan ay ka mid yihiin, kuwa uu tiriyey. Farriinta dadban ee uu gudbinayaa waa in waxyaabaha intaas ka hooseeyaa aanay noqon Karin sabab shaqada looga maqnaado.

  5. Casharka kale ee uu Biden ina barayaa waa muhiimadda ay leedahay isku xidhnaanta iyo niyadwanaag kuwada shaqaynta kooxda shaqo wadaagta ah. Waxa uu dareensiinayaa in qofka ugu sarreeya shaqada oo isaga ah iyo shaqaalaha kale oo dhami ay si kal furan u wadaagi karaan arrimaha qoys iyo xaaladaha shakhsiga ah. in qofku aanu la gabban in uu maamulihiisa kala hadlo xaaladdiisa gaarka ah ama duruufaha qoyskiisa, farxad iyo murugo mid ay tahayba. Arrintani waxa ay xoojinaysaa in kooxda shaqo wadaagta ahi ay iska wada war hayso iyo in maamuluhu uu shaqaalihiisa dareensiiyo in uu yahay xubin caadiya oo ka mid ah.

Faa’iidada ugu weyn ee ay arrimahani leeyihiinna waa in wadashaqayntu xoogganaato.
Ugu dambayntii waxaa la isku raacay in warqaddani ay fure u noqon karto isu soo dhowaanshiyo shaqo iyo in shaqaaluhu xurmo gaar ah u hayo loo shaqeeyaha ama maamulaha iyo shaqada laftigeeda.

@Marjaan