Xirfadlihii Maroodi Jeex Garan Weyday, Ee Reer Oodweyne Maamuseen

0
546

Xirfadlihii Maroodi Jeex Garan Weyday, Ee Reer Oodweyne Maamuseen

Tababaraha ruug cadaaga ah ee Koobka ku hoggaamiyey Xulka Kubadda Cagta ee Daad-madheedh Maxamed Diridhaba, ayaa maamuus iyo sharfid weyn kala kulmay Reer Oodweyne oo uu kooxdooda Kubadda cagta ka dhigay Horyaalka Gobollada Somaliland, iyaga oo aan hal kulan laga badinin.

Tababare Diridhaba, waxa uu Daad-madheedh ka dhigay Gobollada cusub ee Somaliland gobolkii u horreeyey ee ku guuleystay Koobkan.

Tababare Diridhaba oo muddo 40 sanno ka badan ku soo jiray Xirfadda Kubadda cagta mar uu ciyarayey iyo mar uu tababare ahaa, waxa uu helay maamuuskii u weynaa ee uu muddadaasi helo, ka dib markii Reer Oodweyne ku sharfeen Gaadhi, Guri, 25 geel ah iyo 13,000$.

Macallin Diridhaba oo ah nin afgaaban oo akhlaaq badan, waxay ii sheegeen Ciyaartoy uu soo tababaray in uu yahay macallin barbaariye ah oo ku dedaala dhisid akhlaaqda iyo qiyamka Ciyaartoyda, kuna dhiiri geliya in ay ilaaliyaan magac iyo sumcad kooxda amma xulka ay metelayaan.

Macallin Maxamed Diridhaba, waxa uu tababare u soo noqday xulka Gobolka Maroodi jeex, oo uu laba koob u qaaday 2011-kii, 2013-kii, balse maamulka kubadda cagta ee Gobolka Hargeysa ayaa eryey xilka tababarenimo, kama helin maamuus u dhigma kan reer Oodweyne u sameeyeen.

Saleban Saxansaxo