Deni Oo Abiy Axmed Ka Diiday Dalab Farmaajo U Dan Ah

0
925

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Daney ayaa la sheegay inuu ka diiday Raysalwasaaraha Itobiya inuu doorashada soo socota ee Soomaaliya taageero Madaxweynaha wakhtigan ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Raysalwasaaraha Itoobiya Abiye Axmed oo toddobaadkii hore magaalada Addis Ababa ee Itoobiya kulan kula yeeshay Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdillaahi Deni ayaa la sheegay inuu ka codsaday inuu doorashada soo socota ee Soomaaliya taageero Maxamed Cabdillaahi Farmaajo, laakiin sida uu twitterkiisa ku qoray Rashiid Cabdi oo degen Kenya oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, Madaxweyne Deni wuu ka diiday Abiye Axmed soo jeedintaas, waxaana diyaarad gaar ah u soo dirtay dawladda UAE oo uu Rashiid Cabdi sheegay inay la yaabtay culayska ay Itoobiya saarayso Puntland.

Qoraalka aqoonyahankan ayaa u qornaa sidan “Imaaraadka Carabtu waxay si aad ah ula yaabeen culayska Puntland lagu saaray inay taageerto dib u doorashada Farmaajo. Raysalwasaare Abiye Axmed wuxuu toddobaadkii hore Addis Ababa ugu yeedhay Deni, isagoo si cad ugu sheegay ‘Waxaanu kaa doonaynaa inaad taageerto Farmaajo.’ Deni wuu diiday, diyaarad khaas ah oo uga timid UAE ayaa u qaaday Abu Dhabi.” Sidaas ayuu Rashiid ku yidhi qoraalkiisa.

Madaxweyne Deni ayaa toddobaadkii la soo dhaafay socdaal gaar ah ku tagay dalka Itoobiya, waxaanu sheegay inuu hoggaaminayay wefti culus oo ka tirsan dawladda Puntland.

Geeska Afrika