Mushrax Biden oo Ilaaladiisa La Xoojiyay

0
411

Taliska Ilaalada iyo sugidda ammaanka madaxweyneyaasha Maraykanka ayaa Murashaxa xisbiga Dimuqraaddiga Joe Biden u diray ilaalo dheeraad ah oo ammaankiisa sugta, kaddib markii saansaanta natiijada doorashadu ay galabta muujisay in uu isagu guusha madaxweynenimada ugu dhowyahay.

Dhinaca kalana guddida ololaha Joe biden ayaa diyaarinaysa fagaarihii uu khudbadda guusha ka jeedin lahaa Biden, iyada oo dhinaca kalana ay shaqo bilaabeen guddida xilliga kala guurka ee Joe Biden.

Gelinkan dambe ee maanta waqtiga Maraykanka oo caawa waqtiga bariga Afrika ku beegan ayaa la filayaa in ugu yaraan labada gobal ee Navada iyo Georgia ay soo saaraan natiijada cod tirinta, gobalka Pennsylvennia oo marka hore uu Trump ku horreeyey ayaa isagana daqiiqadihii u dambeeyey ee tirinta codadka uu ku horumaray Joe Biden, waxyaabahaas oo marka la isu geeyo muujinayo in uu Joe Biden guusha helayo.