Maamulka Abiy Axmed iyo Tigreega Oo Siyaabo Kala Duwan Uga Hadlay Xiisadda Taaggan

0
393

Dawlada Itoobiya iyo Maamulka Tigreega ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay dagaalka socda.

Madaxweynaha Tigreega ayaa sheegay inay awood u leeyihiin inay iska caabiyaan dagaal kasta oo kaga yimaada dawlada, waxaanu sheegay inaanay ciidanka Tigreegu noqon doonin difaac keliya balse ay weerar qaadi doonaan. Isagoo u waramayay Telefishanka maamulka Tigreega wuxuu sheegay inay gacanta ku hayaan saldhiga ciidamada Itoobiya ee waqooyiga oo uu ku dooday in hubka yaala loo isticmaali doono difaaca Tigreega.

Taliye xigeenka ciidanka Itoobiya oo isna warbaahinta kula hadlay Addis Ababa ayaa xaqiijiyay in saldhiga waqooyi ay Tigreegu la wareegeen, wuxuuse sheegay inay weerar aanay ciidanku filayn ku soo qaadeen Tigreegu isagoo sheegay inay ciidamo xoojin ahn u direen. Waxa kale oonuu sheegay in si qorshaysan lagu soo afjari doono kooxda TPLF oo uu sheegay inay doonayaan in dagaalku dalka ku faafo.

Geesta kale Raysalwasaare Abiy Axmed ayaa baaqyo kala duwan la yeeshay taliyayaashii hore ee ciidanka ka fadhiistay oo uu faray inay ciidanka ku laabtaan si ay dagaalka uga qayb galaan.

Beesha caalamka ayaa ku baaqaysa in dagaalka la joojiyo.

@Geeska Afrika