Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Amaray Ciidanka Difaaca In uu Weerar Ku Qaado kililka Tigreega

0
385

Raysal Wasaaraha Itoobiya oo Amaray Ciidanka Difaacau In uu Weerar Ku Qaado kililka Tigreega
Raiisel wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goordhaw shaaciyay in ciidamada difaaca qaranka (ENDF), oo uu hogaaminaayo taliska ciidanku, la siiyay amar ay ku bilaabaan dagaal militari oo ka dhan ah TPLF ee Kililka Tigreega.

Raysal Wasaare Abiy wuxuu ku andacooday in TPLF ay “talaabooyin qaaday” ayna “isku dayday in ay dhac ka geysato Taliska Waqooyiga.” Wuxuu kaloo sheegtey kooxda TPLF “inay dagaal ku furtay Dashlah”.

Taliska Woqooyi wuxuu ku yaal magaalada Mekelle.

Abiy Ahmed oo arrinta dagaalka ka hadlaayay ayaa yidhi “Xukuumaddu waxay isku dayday inay ka fogaato dagaal, laakiin dagaalka lagama hortagi karo hal dhinac,”.

“Waxaa hogaaminaya Taliska Booliiska, Ciidankeena Difaaca Qaranka (ENDF) waxaa la siiyay amar ay ku gutaan waajibaadkooda ah badbaadinta dalka. Qodobka ugu dambeeya ee xariiqda cas ayaa la dhaafay; si loo badbaadiyo dalka adeegsiga xoogga ayaa noqday tan ugu dambeysa. ”
Raysal wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka Itoobiya “inay si dagan ula socdaan xaalada, sidoo kalena la socdaan waxyaabaha hareeraooda ku gadaaman ee ka dhicaya deegaanka, ayna garab istaagaan ciidamada qaranka.”

Sayruuqnews
sayruuqnews@gmail.com