Madhabaa In Siyaasi Maxamud Xaashi Ergo Dhex Dhexaadisa U Diray Madaxweynaha, Miyuuse Ka Tanaasulay Damaciisii Uu Ku Doonayay Booska Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Dabadii

0
354

Muranka dumaasha jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Mustaqbalka, iyo sidoo kale damaca Maxamuud Xaashi iyo waji dadabka Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa hadda xaraaraddiisu waxay gaadhay halkii ugu sarraysay,kaddib markii uu dhawaan Siyaasi Maxamuud Xaashi uu sheegay inay Madaxweynaha iyo Garabkiisa uu u afduuban yahay shir weynaha  afraad ee Xisbiga KULMIYE ,isla markaana uu si addag u dhaliilay Xukuumadda iyo hoggaanka Xisbiga.

Wararka Wargeyska Foore helay ayaa sheegaya in Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi uu ergo ugu diray Madaxweynaha Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi xubno Siyaasiyiin ay isku beel yihiin, kaddib markii uu Maxamuud Xaashi xubnahan u qeeyaxay mawqifkiisa Siyaasadeed ee ku aadan damaca dumaasha Gudoomiyaha KULMIYE.

Warar Wargeyska Foore ka helay Ilo u dhuun-daloola dhaq-dhaqaaqyada Siyaasi  Maxamuud Xaashi  iyo xuluufadiisa isku sidkan ee Kulmiye, waxay tibaaxeen inuu si cad diirka ama daboolka uu uga qaaday Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi in uu doonayo inuu Madaxweyne Biixi oo uu guddoomiyaha Xisbiga ku wareejiyo haddii aanu isaga rabbina siyaasi kale oo ka soo jeeda Barriga Burco,hase-ahaatee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa dhankiisa arrintaas uu muuqda inuu ka war-wareegayo, isla markaana uu doonayo inuu Xisbiga iyo Xukuumadda isku hayo si uu uga fogaado khilaaf lamid ah kii sannadkii 2015kii ka dhex-qarxay Xukuumaddii Siilaanyo iyo Xisbigeedii KULMIYE.

Sidaas darteed waxay illuhu intaa ku dareen inuu Wasiirkii hore ee Madaxtooyaddu Maxamuud Xaashi uu ku wargeliyey xubnaha Siyaasiyiinta ah ee u ergada ugu yeedhay inay kala dhex galaan isagga iyo Madaxweynaha Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi, isla markaana Xisbiga KULMIYE ay ka badbaadiyaan Khilaaf laf-jab ku noqda Xisbiga mustaqbalka soo socda,taas oo sida xoggaha lagu xusay si dhib yar ku iman karta hadii aanu Madaxweyne Biixi ka tanaasulin Gudoomiyenimada Xisbiga KULMIYE, isla markaana aanu ku wereejin guddoonka Xisbiga siyaasi ka soo jeeda Beesha Bariga Burco.

Kulaylka iyo damaca dumaasha Kulmiye, ayaa sida xoggahan lagu sheegay, waxa uu ka siraad-may, kaddib markii la shaaciyey inuu Madaxweyne Biixi uu doonayo inuu mar kale uu Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE noqdo shanta sannadood ee soo socota,taas oo keentay inuu siyaasi Maxamuud Xaashi oo quud-daraynayey dumaasha KULMIYE inuu ka biyo diido, isla markaana uu qaadaco inuu ka qayb-galo gebi ahaanba shir weynaha afraad ee Xisbiga KULMIYE ,waxaana la sheegay inay natiijo la’aan ku dhamaadeen dhawr isku day oo la rabbay in lagu dhameeyo khilaafka Xisbiga KULMIYE iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi,dedaallada arrinkan ee dhicisoobay  waxa kamid ah kulan qorshihiisu ahaa inay isku wajahan madaxda dhaqanka ee labada Beelood,Hase-yeeshee raggaadey kaddib markii mullaaq dhinaca aragtida ah uu ka dhex dhacay xubnaha dhaqanka ee laga fillayey dhanka Beesha Barriga Burco,kuwaas oo uu muran iyo ismaan-dhaaf soo kala dhexgalay.

Dhanka kalene Dhalinyaradda Beesha Barriga Burco ayaa munaasabaddo iska soo horjeeda ku qabtay Hargeysa,Burco iyo Magaalooyin kale kuwaas oo ay ku kala taageerayeen Madaxweyne Biixi iyo Siyaasi Maxamuud Xaashi,waxaana xusid muddan in qaarkood ay soo dhaweynayaan shirweynaha Xisbiga KULMIYE ,halka qaarkoodna ay ka soo horjeedaan shir weynaha afraad ee Xisbigaasi qaabka loo maamulayo.