“Muuse Biixi, Anigu Maan Lahayn Maxamuud Xaashi Ku Wareeji Ee Maxamed Kaahin U Dhiib-baan Lahaa”

0
502

Boqor Cismaan Aw Muxumed Maxamed (Buur-madow) oo ka mid ah Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa ka hadlay Xaaladda siyaasadeed dalka iyo ta Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE.

Boqor Buur-madow oo ku sugan dalka Isku Tagga Imaaraadka Carabta ayaa Waraysi dheer oo uu siiyey Telefiishanka SAHAN wuxuu kaga hadlay heshiis siyaasadeed oo uu sheegay inay hore u wada galeen Beelaha Subeer Awal iyo Habar Jeclo, kaasi oo ku salaysnaa in Guddoomiye-nimada Xisbiga Kulmiye lagu wareejiyo Beesha Habar Jeclo, marka kursiga Madaxweynaha ee Somaliland uu ku fadhiisto Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, arrintaasi oo uu sheegay inay wax ka beddeleen Xukuumadda talada haysa iyo Xisbigeedu.

Buur-madow oo ugu horrayn sharraxaya heshiiska Beelaha Subeer Awal iyo Habar Jeclo wada-galeen ayaa yidhi  “Markii hore qaabka Somaliland wax u wadday waxay ahayd in Beelaha loo abaabulo inay taageeraan Xisbiyo, maadaama oo ay sidaasi jirtay wax la odhan karaa maxaa keenay in Beesha Habar Jeclo oo Dawladda Muxaafid u ahayd ee Xisbiga dhisatay (Hadda Mucaarad noqoto) ma wixii ay (Bixiyeen) ayay ka hadhi kari waayeen Mise wax kalaa soo baxay ? Madaxweynaha Kursigii ugu mudnaa baanu ku dhisnay waanu ku hambalyeynay, inaanu beel ahaan u taageernay ma diiddanin. Waxaan doonayaa (inaan sheego) arrinka sida loo dhigayo in wax ka duwan yihiin, marka hore waxaan Hambalyeynayaa Beelaha Subeer Awal ee aanu Huteelka Palaca ee Burco heshiiska ku wada gaadhnay, waan u hambalyeynayaa oo Beeshaa heshiis fiican oo siyaasi ah ayaa na dhex maray, siyaasiyiintu wax ay wada galeen (Heshiis) ma jirin (Xilligaa), haddii Xukuumadda Kulmiye ay tidhaahdo Maxamuud Xaashi iyo Muuse Biixi waxba ma wada galin, arrinkaasi waa run, laakiin annagu beelo ayaanu wada-galnay illaa imikana wax ay nagaga baxday ma jirto (Beesha Subeer Awal), laakiin Soomaalidu waxay tidhaahdaa Bisin nin Xoogle ayaa bii’yey, annaga iyo Beeshii (Subeer Awal) Xukuumad baanu dhisnay, Madaxweyne ayaanu dooranay, Dastuur bay leedahay, markaa anigu waxaan aaminsanahay iyaga laftoodii (Subeer Awal) ayaa lagaga baxay oo iyaga laftoodii baan Talo badan ku lahayn, Tujaartoodii baa cabanaysa, Raggii Hantida badan geliyey ee Maxamed Aw Siciid ka mid yahay ayaan meesha ka muuqan, Salaadiintii Subeer Awal baan ka muuqan, markaa mar keliya may odhanin ballantii waanu ka baxay. Heshiiskaa aanu wada galnay sidiisii hore ee la isugu wareejiyey buu ahaa, waxay la noqon wayday qolada Xisbiga iyo Xukuumadda.”

Buur-madow wuxuu sharraxay sababta ay Beeshiisu xilligan mucaaradka ugu tahay Xukuumadda Madaxweyne Biixi “Waxaan qabaa Kacdoonka Habar jeclo inuu ka duwan yahay halkaa (Arrinta Xisbiga), laakiin halka Sartu ka qudhantay waxa weeyaan, Siilaanyo markii uu xilka wareejiyey Xisbigiisii baa kala wareegay, markiiba waxa la bilaabay in la yidhaahdo ‘Tuugtii meesha boobtay, tuugtii meesha dhacday’ iyadoo Deyntuna ahayd 8 Million oo qudha,  oo Dawladdu dhaliilaysaa Maxamuud Xaashi, Cali Mareexaan, Xirsi, Baashe, Siilaanyo, Marwadii Madaxweynaha, markaa waxaan u arkaa in Dawladdu ay beeshii Garabka u ahayd Tuugo la qoro oo la ceebeeyo oo lala dagaalamo oo aanu mar keliya Madaxweynuhu Raalli-gelin ka bixin.”

Boqor Buur-madow waxa kale oo uu sheegay inuu Madaxweyne Biixi kula taliyey inuu Guddoomiye-nimada Xisbiga Kulmiye ku wareejiyo Maxamed Kaahin Axmed “Aniga, Maxamuud Xaashi Cid baanu isku xignaa, waxa laga yaabaa inaan taageersanaa in Maxamed Kaahin uu wax noqdo, waayo? Habar Jeclo waxay leedahay dhaqan ah ‘Cukaashaa kaaga horreeyay’, Muuse Biixi, Anigu maan lahayn Maxamuud Xaashi ku wareejin ee Maxamed Kaahin u dhiibbaan lahaa, Maxamuud Xaashina waxaan ku lahaa Maxamed Kaahin baa Maanta darka taagane daa’, Waayo? Maxamed Kaahin waa Wasiirka Daakhiliga, Waa Guddoomiye ku-xigeenka xisbiga, waa nin soo halgamay, Maxamed Kaahin waa Ina Kaahin Il-xidh, Qoys soo talinayey ayuu ka soo jeedaa, waa Nin Reerkiisa Qadarin ku leh.”

Boqorku wuxuu sheegay in Maxamed Kaahin iyo Xasan-gaafaadhi aanay beeshooda qaban kari waayin, balse aanay Xagga Madaxweynaha waxba ka dhamayn karin “Anigu, waxaan qabaa in Maxamed Kaahin aanu Reerkiisa qaban kari waayin oo isma Xaafadayn kari waayin, laakiin Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi oo aanu Madaxweyenimo u wadnay dhibaatada haysataa waa Daa’uus boog leh, waxayna Boogta ka leeyihiina waa xagga Madaxweynaha, Waayo? Maxamed Kaahin intaas oo jeer ayuu Madaxweynaha ugu tagay inuu ogolaansho uga soo qaado diyaaradaha Fly Dubai iyo Al-arabia, Maraakiibtii shidaalka ee badda taagnayd ee la faro-geliyey inuu wax ka qabto.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Maxamed Kaahin iyo Xasan Gaafaadhi beeshu ma diiddin oo Kalsooni buuxda ayay ka haystaan, laakiin haddii Wasiirradii Qiimaha lahaa aanay xallil karin dhibaatada dhex taallay Madaxweynaha iyo Beesha, waxaan leeyahay Madaxweynuhu isagaa garbihiisa waxyeelay. Maaha kuwan oo qudha, Maxamed Muuse Diiriye (Wasiirka Biyaha) waa Wasiirkiisii, Sodoggii iyo soddohdii ayaa dhulkii (lagu muransanaa) lagu dhex garaacay, Maxamed Aw Siciid waa taajirkiisii ayaa lagu hor qaawiyey oo lagu hor dhibaateeyay.”

Boqor Cismaan waxa kale oo uu ka hadlay Shirweynaha Xisbiga Kulmiye iyo khilaafka siyaasadeed ee xilligan ka dhex jira Xisbiga Kulmiye “Madaxweynaha iyo Raggiisu inay isku joojiyaan ayay ahayd, Cid ku haysatay in la dhiso Teeramka labaad, ma jirin Cid ku haysatay in qanciyo Raggaas oo la isku soo jeediyo, Maxamed Kaahin hadduu Guddoomiye-nimada isaga sii wareejiyo maaha nin qabsanaya oo waa nin la yaqaano oo aan ballanta ka bixin, Habar Jeclo ahaan Ninka Maxamed Kaahin ka daba baxa dhegta ayaanu ku dhufan lahayn, markaa wixii ka dhiman Madaxweynaha iyo ciddii talada siinaysay iyagaa iska khalday, imikana waxaanu leenahay Habar Jeclo ahaan Mucaaradad idinku kalifi mayno, waanuna idin Hambalyeynayaa ee sidaa Xisbiga ku dhista.” Ayuu yidhi waxaanu intaas ii raaciyey in Madaxweynuhu diiday inuu la kulmo Madax-dhaqameedka “Waxaanu jeclayn inaanu Madax-dhaqameed ahaan la kulano, laakiin Madaxweynuhu isagaa saddexdaa sanadood diiday inuu cid la kulmo, imikana inta Madaxweynaha u hadhay Qaylo iyo Rabshad la’aan iyo Xisbigaaga oo aad Maamulato, Annagu ka beel ahaan Talo dambe ayaanu isugu noqonaynaa, Mucaaraddadana hala joojiyo ayaan leeyahay.”

Boqorku waxa kale oo uu ka hadlay kulan ay Magaalada Dubai ku yeesheen isaga iyo Faysal Cali Waraabe, kulankaasi oo dhaliyey tuhun “Xisbiyadu way badan yihiin, Wada-hadallo siyaasadeed ayaanu galaynaa, Sawirka Aniga iyo Faysal Cali Waraabe Wada-hadallada ayuun buu ka mid ahaa, wax heshiis ah iyo Xisbi uu iibinayo ma jirto. Xisbiyadu waa isku dhadhan, Gurigii hore ee aanu fadhinay ee Kulmiye wuxuu nagu noqday Guri cas iyo Dulin, kuwa kalena weli waa dulin oo cid dimuqraadiyad ka muuqato oo aanu nidhaahno beesha ha loo dareeriyo nooma muuqato.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu Madaxweynaha u soo jeediyey “Madaxweyne Muuse Biixi waxaan leeyahay Ganacsiga faraha ka qaad oo dantaada iyo hawshaada kalaa kaa badane Ganacsatadu amaan ha kaa hesho.”