Mujaahid Cabdisalaan-Turki Oo Ka Hadlay Go’aan Wasaaradda Warfaafintu Soo Saartay

0
392

Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan-Turki) oo ka mid ahaa Saraakiishii SNM, ayaa sheegay in halgankoodu ahaa sidii ay Shacabka Somaliland uga bixi lahaayeen cadaadiska.

Mujaahid Cabdisalaan Maxamuud Jaamac (Cabdisalaan-Turki) oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan go’aanka Xukuumadda ee ah in Xisbiyadu u sinaadaan isticmaalka Warbaahinta Dawladda, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waxaynu halganka dheer u galnay sidii aynu uga bixi lahayn cadaadis iyo dulmiga iyo sidii aynu xoroobi lahayn dhibaatooyinkii la inagu hayey ee Dawladdii Siyaad Barre inagu haysay, dib ayeynu soo ceshanay xorriyaddii aynu iska luminay, maantana waxaa alxamdulilaah ah inaynu nahay dal xor iyo dad xor ah, muddadii aynu dawladnimada haysanay wax badan baa inoo hirgalay, horumar baynu ka gaadhnay dawladnimada iyo dimuqraadiyada, inta inaga dhimana weynu gaadhi doona, ictiraaf caalamiyana dalkeena insha allaah waa la siin doonaa”.

Mar uu ka hadlayey go’aanka Dawladda ee ah in loo sinaanado Warbaahinta Qaranka ayaa yidhi “Waxaynu ka gudubnay nidaamkii Beelaha, waxaynu u gudubnay nidaamka Axsaabta, markaas dadkeenu waxay ku kala faylayaan Xisbiyada dalka ka jira, siyaasad ahaan iyo taageero ahaanba, sidaas darteed go’aanka  ah in loo sinaado Warbaahinta Dawladda ha noqdo go’aan sidiisa u hirgala, oo wax dambe aanay ka daba iman, oo Axsaabta Mucaarad iyo Muxaafidba ha isticmaalan, maxaa yeelay xaq bay u leeyihiin wayna u siman yihiin, go’aankana waan soo dhaweeynayaa”

Dhanka kale wuxuu tacsi u diray dadkii ku dhintay dhismaha Wajaale, waxaanu ALLE uga baryey inuu u naxariisto.