Falanqaynta Sawirka Siyaasadeed Ee Ka Qayb-galka Iyo Ka Maqnaanshaha Axmed-siilaanyo Ee Shirweynaha Kulmiye

0
303

Haddii uu Axmed-siilaanyo shirka ka maqnaado waxay Tumaati ku noqon doontaa Madaxweyne Biixi, waxayna Hiil u noqon doontaa Maxamuud Xaashi, hadduuse ka qayb-galo waxay guul u noqon doontaa Madaxweyne Biixi, waxaana Weydoobi doona Hadalkii Maxamuud Xaashi

Hargeysa (Geeska) – Iyadoo muddo 10 maalmood ahi ka hadhsan tahay Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye ayaa waxa weli dalka ma maqan Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ah Aasaasaha Xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne Siilaanyo iyo qoyskiisa oo Hargeysa ku sugnaa ayaa Toddobaadyo ka hor waxay socdaaleen dalka Imaaraadka Carabta, lamana hubo inay Madaxweynihii hore goob-joog ka noqon doono Shirweynaha 4-aad ee Xisbiga Kulmiye.

Haddii uu Axmed-siilaanyo ka baaqdo inuu ka soo qayb-galo Shirka Xisbiga KULMIYE waxay Madaxweyne Biixi iyo Xisbigaba ku noqon doonto boog siyaasadeed, waxaanu Maqnaanshihiisu ku soo beegmi doonaa iyadoo Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo ahaa Gacan-yarihii Madaxweyne Siilaanyo muddadii uu xilka hayey iyo siyaasiyiin kale oo ka mid ahaa Xukuumaddiisii ay ka dayriyeen hoggaanka Madaxweyne Biixi ee dalka iyo Xisbigaba, waxaana suurto-gal ah in maqnaanshiyaha Madaxweyne Siilaanyo ee shirka iyo dhawaaqii Maxamuud Xaashi ay sii xoojiyaan dareen taban oo Beesha bariga Burco ay kaga dayrinayaan qorshaha Madaxweyne Biixi ee ku waajahan Mustaqbalka xisbiga Kulmiye.

Haddiise Madaxweyne Siilaanyo ka soo qayb-galo Shirkaasi waxay Madaxweyne Biixi iyo xisbiga Kulmiye u noqon guul siyaasadeed oo muujinaysa in Madaxweyne Biixi uu weli haysto Kalsoonida Saaxiibkii Axmed-siilaanyo, waxaanu ka qayb-galka Axmed-siilaanyo ee Shirku weyd ka dhigi doonaa hadalkii Siyaasiga Maxamuud Xaashi.

Si kastaba ha ahaatee, toban Maalmood waxa kala caddaan doonta in Axmed Siilaanyo uu Shirkaa ka qayb-gali doono oo ay Madaxweyne Biixi u noqon doonto midho-siyaasadeed iyo inaanu ka qayb-gali doonin oo iyaduna Madaxweyne Biixi ku noqon doonta Tumaati siyaasadeed.