Isticmaalka Baraha Bulshada Oo Sababay In Ardayda Magaalooyinku Ay Ka Hooseeyaan Ardayda Miyiga Natiijada Imtixaanaadka

0
339

Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland ayaa ka ka hadashay saamaynta Isticmaalka Baraha Bulshadu ku leedahay Ardayda ku jirta Waxbarashada.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska ee Somaliland Axmed Abokor oo Shalay u warramay Telefiishanka Saab ayaa sheegay in Ardayda ku nool deegaannada Miyiga ee aan isticmaalin Baraha Bulshadu ay Imtixaankii u dambeeyay ee Shahaadiga ahaa ka sarreeyeen kuwa Magaalooyinka ee Internet-ka isticmaala.

Agaasimuhu waxa uu ugu horrayn ka hadlay oo uu sheegay inay sannadkan Dugsiyada Dawladdu ay Imtixaannaadka ka sareeyeen kuwa gaarka loo leeyahay, waxaanu yidhi “Natiijadii Imtixaankii sannadka ayaa lagu sameeyay lafo-gur iyo falanqayn, wixii ka soo baxay ayaa Bulshada lala wadaagay, waxay muujinaysay Dugsiyada Dawladda iyo kuwo gaarka ah marka la isbarbar dhigo in celcelis ahaan ay Ardayda Dugsiyada Dawladdu ay ka sareeyaan xagga Natiijada.”

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay “Waxa la isbarbar-dhigay Iskuullada Dawliga ah iyo kuwo gaarka ah ee Magaalooyinka ku wada yaalla, waxa kale oo la isbarbar-dhigay Iskuullada Miyiga iyo kuwa Magaalada, siyaabo kala duwan baa la isku barbar-dhigay, dhinac walba markii la iska barnbar-dhigay, maaddooyinkiina gaar gaar loo sii eegay waxa soo baxday in mar kasta Iskuullada Dawladdu ay kuwa gaarka ah ka sarreeyaan xagga dhibcaha, markii aanu eegnayna laba Qodob baa ugu muhiimsan, mid waxa weeyaan Tirada Ardayda oo Saamayn badan ku yeelata wada-shaqaynta Ardayga iyo Macalinka, gaar ahaan in Macalinku uu wakhti u helo inuu Ardayga qiimeeyo, haddii fasalku ka bato waxa dhacaysa in Macalinku aanu wakhti fiican u helin Ardayga, ta labaadna waxay noqonaysaa si guud arrimaha Baraha Bulshada ayaa dedaalkii Ardayda Saamayn ku yeeshay, oo markii Miyiga iyo Magaalada la isbarbar-dhigay ardaydii Miyiga ayaa Imtixaanaadka ka saraysey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waalidiinta waxaanu u soo jeedinaynaa inay Carruurta ka celiyaan Isticmaalka Baraha Bulshada, Daawashada Tv-yada, Jadwal ay Carruurtu wax akhristaana u sameeyaan, Iskuullada Dawladda iyo kuwo gaarka ahna waxaanu soo jeedinay in la xadido Tirada Ardayda oo aan laga badin inta Sharcigu ogol yahay..”