Xildhibaan Reer Awdal Ah Oo Ka Hadlay Sababta Ay Uga Maqan Yihiin Fadhiyada Golaha Wakiillada

0
318

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiillada Somaliland kana soo jeeda Gobolka Awdal ayaa ka hadlay Xeerka Doorashooyinka ee horyaalla Golaha uu ka tirsan yahay, waxaanu soo jeediyey in wax laga qabto tabashada saami-qaybsiga, xilli uu Madaxweynuhu kulan arintan ka saabsan la yeeshay Xildhibaanada reer Awdal.

Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye oo u warramay Wargeyska Geeska Afrka ayaa sidoo kale Xukuumadda u soo jeediyey dhaliil ku waajahan murannada dhulka oo dalka ku soo badanaya “Muddo aad u dheer ayay taalay tabashada saami-qaybsiga, illaa haddana wax laga qabtay ma jiraan, garan maayana goorta wax laga qaaban doono, sidaas awgeed waa dhab oo waanu ka soo baxay fadhigii lagaga doodayey Xeerka Doorashada ee Golaha loo soo gudbiyey, sababta aanu uga soo baxayna waa wax cad oo waanu sheegnay, anagu ma diidanin qabsoomidda Doorashooyinka, laakiin waxaanu diiddan nahay Xeerka Doorashooyinka oo aanu ku jirin waxaanu xaqa u leenahay,  tabashada saami-qaybsiga in xal laga gaadho oo aanu helno kuraasta Wakiilada ee aanu xaqa u lahayn ayey cadaaladdu ku jirtaa, markaas ayay inoo dhacayaan Doorashooyin loo dhan yahay, laakiin inta aanan helin saamiga aanu xaqa u  lahayn Doorashooyin xor iyo xalaal ahi inoo dhici maayaan, ayaan daro ayanaan u aragnaa in ilaa hadda aan waxba laga qaban  saami-qaybsiga, haddii aan Maanta wax laga qabana garan mayno wakhtiga wax laga qaban doono, si Dimuqraadiyadda loo ilaaliyo waa in galaa”.

Mar uu ka hadlayey muranka dhulka ayaa yidhi “Muranada dhulku wuu soo noq-noqdaa, dad baa isku dila oo dhiig la iskaga daadiyaa, waxaad arkaysaa dhulal iyo buuro loogu tagalay in xooluhu daaqan in dad iska ootaan, markaas waxaa dayacaaddaas oo dhan iska leh Xukuumadda iyo Dawladdaha hoose ee dalka, haddii aan hadda wax laga qabana dhibaatooyin ka daran ayaa ka dhalan kara”.