Somaliland Maka Run Sheegtay Nidaamka Axsaabta iyo Ururada Badan Ee Siyaasada & Doorashooyinka Ee Ay Qaadatay?

0
88

Dalka Jamhuuriyada Somaliland waxa uu jiraa ilaa intii aynu dib ula noqonay madax banaanida qaranimada Somaliland 29 sanadood oo ah 1991 ilaa 2020. 11 sanadood oo ka mid ah 29 kaa sanadood waxa aynu ku soo qaadanay kacaa kuf badan, dagaalo, nabadeyn iyo dhisme qaran oo dastuur iyo shuruuc, kaladambayn leh sidii loo heli lahaa 1991 ilaa 2002.

Mudadaa gudaheeda waxa aynu kaga soo gudubnay nidaamkii beelaha iyo axdiqarameedkii, ka dib markii aynu dhamaystirnay tiirarkii dawladnimada, oo aynu ku guulaysanay in aynu samaysano nabadgalyo, kala dambayn, calankii,  dastuurkii, lacagtii iyo haykalkii dawladnimo.

18 sanadood ee hadhay oo ka mid ah 29 sanadood 2002 dhamaadkiisii  ilaa 2020 , waxa aynu u guurnay nidaamka isdoorashada iyo axsaabta badan, waxaana inoo qabsoomay lix doorasho oo dadweynuhu codkooda dhiibteen marka laga reebo cod bixintii dastuurka 31 may 2001 oo ku noqoneysa todoba.

Waxa inoo qabsoomay laba doorasho gole deegaan, sadex doorasho Madaxweyne iyo hal doorashada golaha wakiilada ah, halka aanay wali inoo suurto galin in aynu qabano doorashada golaha guurtida Jamhuuriyada Somaliland.

Doorashooyinka aynu qabsanay midina wakhtigii loo cayimay in ay dhacdo kumay qabsoomin oo duruufo dad samee ah ayaa marwalba dib u riixayey oo marwalba dirqi iyo ha lagu kala badbaado marka ay soo gaadho ayaa la qabanayey.

18 sanadood ee aynu ku jirnay nidaamka axsaabta iyo is doorashada xisbiyadii siyaasadeed ee dalka soo maray UDUB, UCID,KULMIYE iyo WADANI, midna gudahiisa si xor ah loogama tartamin, meel meel yar oo hoose mooyaane sida Gudoomiye kuxigeen/Murashax Madaxweyne ku xigeen iyo Xoghaye Guud oo xisbi oo iyaduna yarba mooyaane.

Waxa halkaa ka cad in aanay dhisnayn xisbiyadu oo ay iska noqdeen wax in kooban u afduuban, dushana aynu uga eeg nahay nidaam dimuqaradiya oo xisbiyada iyo dad si xor ah isku doorta ah, laakiin gudahooda hanka, himilada iyo rayiga muwaadiniinta ku jirtaa aanu ka shaqeyn.

Waxa aan tusaale u soo qaadanaynaa Somaliland waxa aynu galnay sadex doorasho Madaxweyne oo ay ku soo baxeen sadex Madaxweyne oo qaranka soo hogaamiyey ilaa madaxweynaha maanta jooga, haddaba sadexduba markii ay xisbiga ka dhex sharaxnaayeen midna doorasho xor ah kuma soo bixin, oo waa loo afduubay xisbiga iyo dadkii ku jirey.

Laba ka mid ah xisbi xaakim ay ka sharaxnaayeen awgii baa awood xukuumadeed iyo dhaqaale xukuumadeed loogu xidhay in ay kaligood Murashax yihiin, halka loogu qaatay Madaxweyne dhexe oo ka sharaxnaa xisbi mucarid ah laakiin isaga laftiisa aan cidi kula tartamin.

Waxa la mid ah gudoomiyayaasha axsaabta oo aan iyagana cidi kula tartamin murashaxa xisbiga, marka arinkeenu noocaa yahay miyeynu ka run sheegnay waxii aynu xisbiyada u samaysanay?

Waxa tusaale cad inoo ah in aan Madaxweynaha Somaliland ee maanta aan xisbiga kulmiye markii uu gudoomiyaha doonayey aanay cidi kula tartamin oo loo xidhay in kaligii gudoomiyaha xisbiga u sharaxan yahay.

Axsaabta Siyaasadda dadkaa leh waxa ay noqon lahaayeen meelihii gudahooga dadku afkaarta iyo doodaha ku soo shiili lahaayeen si xor ah oo xalaal ah looga dhex tartami lahaa, waxa axsaabta gudahooga ka jira ayuun baa muuqaalka siyaasada Somaliland yeelanayaa.

Waxa tusaale wanaagsan oo kale inoo ah in axsaabta gudahooga aanu tartan ka dhex jirin , madaxweynaha Somaliland ee maanta Mudane Muuse Biixi ayaa waxa uu ku dhawaaqay in murashax Madaxwayne u taagan yahay bishii Oct 2015 wakhtigaa oo maalmo ka hor loo doortay gudoomiyihii xisbiga kulmiye.

Muuse Biixi waxa uu sheegay in uu la tartami doono Madaxwayne Siilaanyo oo dalku dimuqaraadi yahay , waxa lagu qaaday weerar gaadhay meel halis ah oo rabshado ka abuuray magaalada Hargeisa oo xataa sawirkiisa ayaa la mamnuucay in baabuurta lagu dhajiyo.

Waxyaabahan dadka iyo dalkaba jaah wareeriyey ee marba xisbi loogu yaacayaa ama mid looga baxayaa wax aan jirin wax ay ku kala duwan yihiin aan aheyn kaabado in koobani dhigatay si ay kursiga ugu fuulaan, dadkuna layaab malaha oo waxa ay dhadhansan laayihiin macnihii xisbiyada loo aasaasay iyo noocan ay yihiin.

Xildhibaanada goleyaasha qaranka ee kala duwan ee marba mooshinka la keeno kolba dhinac u yaacayaa hadii ay axsaab dhisan oo mabaa dii iyo siyaasad waxkasta ka leh ka soo baxeen noocaa maynu ahaaneen ee horumar badan iyo hore socod fikriya iyo mid dhismaha dadka iyo dalka ah ayeynu gaadhi lahayn.

Markaa hadii aynaan been isku sheegayn  kamaynaan run sheegin nidaamka aynu qaadanay, maynaan dhisin axsaabta siyaasada dalka, inta aynu qaabkan nahay way adag tahay in uu inoo soo baxo qofkii ugu haboonaa ee dalkan iyo dadkan hogaamin lahaa.

Markaa axsaabta siyaasada laftoodaa handaraaban, oo u handaraaban gudoomiyeyaasha axsaabta oo marka ay doorashadu soo dhawaato uun dadka laga furaa si ay ugu codeeyaan horjoogayaashan aynu caqli iyo cilmi aynu iskaga kaxayno garan laanahay ee dadkiina kolba nooc u habeysanaya.

Mar nidaam reereed ayaa la inoo habeynayaa si aynu wax ula doono, mar mid axsaab baa la inoo sheegaa, mar goboleysi iyo degmooyin hadba halkii dantoodu ku jirto.

Nidaamkan isdoorashada ee wakhtiga loo sameeyo (mandate) waxa loo samaystay in qofba meel umada gaadhsiiyo oo la tijaabiyo hadba ka ugu barnaamij aqoon iyo garasho wanaagsan ee loo arko in uu qaranka hogaamin karo.

Waxa aad moodaa in aynu waxwalba u aqbalno cabsi inaga oo is leh dawladnimada aad samaysateen ayaa idinka dumi doonta, laakiin hadii waxa aynu qaadanay aynu ku run sheegi wayno oo min kor ilaa hoos wax xalaal loogu tartamo, rayiga la isweydiiyo laga doodo laga rogrogaa jiri waayaan, oo dad badan oo han iyo himilaba leh maalinba qaybi niyad jabto, taasaa ina duminaysa oo maaha umadu in ay moral ahaan dunto.

Markaa inta aynu sidan nahay ee waliba is mahadinayno wax badan korodhsan mayno, waxaaba xataa suuragal ah in doorashada dambe ee madaxweynaha hadii Alle ina gaadhsiiyo ay ku tartamaan sadexdii Murashax ee doorashadii dhaweyd tartamayey oo isla wadadaa aan sheegay uun soo mari doona inaguna aynaan haysan doorasho kale oo aynu isaga qasbanaan doono.

Maxamed Dhimbiil

Aqoonyahan Falanqeeya Arrimaha Siyaasadda 

Comments

comments