Siyaasi KULMIYE Ka Tirsan Oo Shaaca Ka Qaaday Qorshe Madaxweyne Biixi Ku Dhisayo Kulmiye Cusub Oo Isaga U Gaar Ah, Meeshana Ka Saaraya Heshiisyadii Hore Oo Dhan

0
394

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey) oo ka mid ah Siyaasiyiinta ugu caansan Xisbiga KULMIYE inta bandanna ka hadla hadba xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo gaar ahaan tan xisbiga uu ka tirsan yahay ee KULMIYE ayaa shaaca ka qaaday Qorshe cusub oo Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ku dhisayo KULMIYE cusub oo isaga  gaar ah oo ka duwan KULMIYIhii hore kaasi oo qorshaha dhismihiisa nidaamka cusub ee KULMIYE cid kasta oo ka hor timaad bustihiisa dibadda u dhigaya sida uu hadalka u dhigay Siyaasi Cali Guray. Sidoo kale Siyaasi Cali Guray waxa kale oo uu sheegay in siyaasadda guud ee xisbiga KULMIYE aanu waddanku waxba uga aayin Somaliland-na aanay ka dambayn doonin Siyaasadda Muuse Biixi iyo Xisbiga KULMIYE oo uu ku sifeeyey xisbi dani ku badday ah.

Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray oo qoraallo koobkooban oo uu xaaladda xisbiga KULMIYE kaga hadlayo ku baahiyay degelka uu ku leeyahay Mareegta Facebook waxa uu yidhi: “Waan ka xumahay saaxiibadayda Kulmiye ugu muddada dheer. Muuse waa Madaxwayne waana Guddoomiyaha xisbiga. Markan isaga ayaa gacantiisa ku samaysanaya Kulmiyihiisa. Qof kasta oo aan ahayn Kulmiyihiisa bustihiisu waa dibadda. Wixii hore loogu heshiiyay oo dhan wax ka jiraa ma jiro ama jeclaada ama necbaada. Kulmiye ayaa ka hadlaysaane ma filayo Somalilandba in ay ka dambaynayso”.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi: “Awrka Dhasha Xun Geelaba Waa Loo Beddelaa Saw Maaha?. KULMIYE wuxuu Somaliland u dhalay laba Xukuumadood oo aan midna wax looga aayay oo wayni jirin. Ma filayo in Kulmiye uu xukuumad saddexaad u dhali doono Somaliland waayo awrkaba haddii ay dhashiisu xumaato waa loo beddelaa geela oo baarqab cusub ayaa lagu daraa hadii loo soo helo. Markaa xisbiyada kale fursadda may ka faa’iidaysan oo si fiican may u soo qooqi mise waabay dhufaanan yihiin oo KULMIYE wuxuu noqon dani ku badday? Somaliland Ilaahayow ka badbaadi”.

Ugu dambayn Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray) waxa uu hannaan kaftan ah ugu jawaabay dadka ku dhaliila in uu isaguba taageeray xisbiga KULMIYE iyo Murashaxnimadii Muuse Biixi waxa uu yidhi: “Kollay Aakhiro intii Muuse taageertay waa la waydiin Maxaad ku raacday? Dayaxa waa markii iigu horreysay weligay een tegay. Nuxurka maqaalkan maalintaa wuxu Ahaa Cabdiraxmaan Cirro Loogama Tegin Nacayb Loo Qabo Ee Muuse Waxa Looga Yaacay Waa Nacayb Loo Qabo. Maanta kuwii ugu xigay ee maalintaa ka dhaqaaqay inay iga saxsanaayeen oo anigu aan ka keliya ee qaldamay ahaa ayuun buu isagu ii sheegay. Waanan qaatay in aan isa saxona iyo sida aan isu saxayaa aniga keligay ayay ii taalaa saw maaha markaa” ayuu yidhi Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray).