“Ninka Dhan Ee Madaxweynaha Ah Waxaaba Laga Sheegayay Inuu Lahaa Midgaankaasi Yar Ayaan Iskaga Taag La’ahay”

0
450
Sarkaal Xisbiga WADDANI Katirsan Oo Qoyska Uu Kasoo Jeeda Marxuumkii Dhawaan Jeelka Isku Deldelay Kula Taliyey Inay Dacweeyaan Wasiirka Caddaaladda Iyo Taliyaha Asluuubta
Sarkaal Xisbiga WADDANI Katirsan Oo Qoyska Uu Kasoo Jeeda Marxuumkii Dhawaan Jeelka Isku Deldelay Kula Taliyey Inay Dacweeyaan Wasiirka Caddaaladda Iyo Taliyaha Asluuubta

Afhayeenka Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Barkhad Jaamac Batuun ayaa mar kale ka hadlay arinta takoorka lagu hayo Haybta uu kasoo jeedo, isagoo sidoo kalena u jawaabay Masuuliyiinta Jaamacadda Hargeysa oo ka  gubtay dhacdo uu hore Siyaasigani ugaga hadlay arin takoor ah oo jaamacadaasi ka qabsatay wakhtigii uu ardayga ahaa ee uu wax ka baranayay.

Barkhad Jaamac Batoon ayaa sheegay in arintan takoorku ay tahay mid illaa heer Madaxtooyo taagan islamarkaana aanay ahay mid la qarsan karo, waxaana uu sheegay in xiitaa ay jiraan dad kale magac iyo mansabba leh oo ay isku hayb yihiin oo takoorkan lagula kacay,waxaana uu soo qaatay Wasiir ku xigeenkii hore ee Wasaaradda Hawlaha Guud Cali Cabdi Saa’iq oo arinta takoorka awgii madal dhan oo la buuxo ka hor ilmeeyay, waxa kale oo uu soo qaatay Agaasimaha Tv-ga qaranka oo uu sheegay in isaga laftiisu arintani oo kale ku dhacday, waxaana uu sheegay in falkani beeshiisa lagu hayaa ay xiitaa kasoo fusho madaxda sare ee Dalka.

Isagoo arintan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Anigu ma ihi nin makarafoon macalinkiisa ugu jawaabaya, mana aan ahayn mid aan anigu shir jaraa’id intaan qabtay oo aan warbaahinta u yeedhay, inaan jaamacadda Aflagaadeeyay, waxay ku timid arintani madal maseyr Umaddeed lagaga hadlayo, Siday ku bilaabantay iyo Muragada umaddu way arkaysay, Dadka Jawaabo badan ayaa ka yimid, qadiyadda laga hadlayayna waa qadiyad dadka Afsoomaaliga ku hadasha oo dhan noloshooda la falgashay, oo nolol maalmeedkooda ka mid noqotay, oo madax iyo mijaba, magac aan laaqi ku ahayn umad dhan jiritaankooda, markasta dabnaha dadka ay ku dhacdo”.W

Waxa kale oo uu yidhi “Maqaaxiyaha ayaad ugu tagaysaa, basaska ayaad ugu tagaysaa, waxaad ugu tagaysaa meelaha Aqoonta lagu dhigto, meel kasta ayaad ugu tagaysaa, markaa qisooyinka anaga nagu dhaca qasab ayay tahay in laga sheekeeyo, markaa umadda kuwa wax tirsanaya ayaan leenahay, waar dulmiga umadda ka daaya, kuwa wax laga tirsanayana, waar Dulmiga iska daaya, fariintaydu horta sidaasi ayay ahayd, in si kale loo fasiro waan ka xumahay, macalin aanan anigu magaciisaba sheegin in la wareejinayo ayaan arkaa ”.

Sidoo kale waxa uu yidhi “Anigu labaatan jir ayaan Lataliye Madaxweyne ku noqday, haddaan xil iyo xoolo doonayo Xukuumaddii Siilaanyo ayaan la joogi lahaa, oo qofkii ugu horeeyay ee xilkaas iska casilay ayaan ahaa. Lix sannadood ayaan mucaarid ahay, waxaan siyaasadda ugu jiraanna dan shaqsi ah maahee waa dareen umaddeed, waanan wadayaa, oo u dhib iyo diihaal mudanayaa inta bangiyadda Cadaaladda ee Bulshadu madhan yihiin”

Afhayeen Barkhad ayaa waxa kale oo uu sheegay “Cali Cabdi Saa’iq shan boqol oo qof ayuu ka hor ilmeeyay, oo uu ka hor ashahaadanayay, isagoo nin weyn oo todobaatan jir ah, waxa ku dhacay ma lawaydiiyay, illayn adaa duubayee?. Wariye Waji ayaa ka sheekaynayay wixii ka qabsaday Iskuuladda, Soomaalidu waxay tidhaahdaa “yidhaa wuu ilaawaa, laakiin la yeelaa ma ilaawo”, markaa waa wax maalin kasta dhaca, anigu toban cisho ayaan madheera Arin siyaasi ah ugu xidhnaa. Ninka dhan ee Madaxweynaha ah waxaaba laga sheegayay Inuu lahaa Midgaankaasi yar ayaan iskaga taag laayahay”.

Ugu dambayn waxa uu yidhi “Markaa waa wax dhaqan ah oo u baahan Waji siyaasi ah, markaa aniguna markaa kamaba maroora dilaacsani midgaanimada eh, inaanu anagu haybtan lanagu sheegayo aanu noqono mid aanu dooranay maaha laakiin waa wax illaaahay uu noo dooray”.