Sidee Ayuu Madaxweyne Biixi Ugu Xaqsoori Doonaa Maxamed Kaahin Iyo Maxamuud Xaashi Oo Mid Waliba Dhinaciisa Gucle Ugu Jiro Guddoomiyenimada Kursiga Kulmiye

0
451

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa illaa hadda u muuqda kuwa uu hunguri ka hayo Gudoomiyenimadda Kulmiye Muuse Biixi Dabadii, waxaanu mid waliba dhinaciisa u doonayaa inuu Madaxweyn Muuse ugu wareejiyo Sidii uu isaga ugu wareejiyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ahaa mulkiihii ama aasaasihii Xisbigan.

Siyaasi Maxamuud Xaashi ayaa mar uu sheecinayey hankiisa Hoggaaminta  KULMIYE ayaa sheegay sidan:-“Waxaan maanta aan u arkaa in ay tahay amintii aan hoggaamin lahaa Xisbiga KULMIYE marka Xisbiga KULMIYE shir weynihiisa la qabto,waxaan isu soo taagidoonaa Jagada Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, waxaan doonayaa in aan ku tartamo Guddoomiyaha Xisbiga.” Ayuu yidhi Siyaasi Xaashi

Geesta kale Maxamuud Xaashi ayaa mar la weydiiyey haddii uu ku guul daraysto hankiisa hoggaaminta Xisbiga KULMIYE waxa uga meel yaala iyo wuxuu yeeli doono ayaa ku gaabsaday siddan“Waxaan ahay Siyaasi waayo arrag ah oo yaqaana siyaasadu inay leedahay Guul-darro iyo Guul labadaba waan ku talo-gelayaa.”Ayuu yidhi Siyaasi Maxamuud Xaashi

Dhinaca kale, Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa maruu Kooxo dhalinyaro oo kasoo jeeda Beeshiisa oo uu kula shiray Huteel Maansoor waxa uu ka codsaday inay damaciisa ku aadan Hogaaminta kulmiye ku taageeraan islamarkaana ay ku garab siiyaan, waxaanu si cad ugu sheegay inuu u taagan yahay islamarkaana ku tartamayo Gudoomiyenimada Kulmiye Madaxweyne Muuse Biixi dabadii.

Sikastaba hanoqotee, Madaxweyne Biixi ayaa waxa horyaala hal xidhaale adag iyo sidii uu uga gudbilahaa arimaha horyaala ee ku saabsan inuu u kala xaqsooro labadan siyaasi si uu iskaga ilaaliyo inuu wax khilaaf ahi ka dhex qarxo xisbiga islamarkaana uu saamayn ugu yeesho mustaqbalka jiritinaanka dambe ee Xisbiga Kulmiye.

Warar aan la hubin ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi aanu musharax ahayn doorkan islamarkaana uu wareejinayo kursiga Kulmiye marka la gaadho bisha October ee fooda inagu soo haysa markaasi oo la filayo inuu qabsoomo Shirweynaha Xisiga Kulmiye. Wararkan ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu damacsan yahay inuu kursiga Kulmiye ku garab siiyo inuu ku fadhiisto Saaxiibkii Maxamed Kaahin Axmed oo ah Wasiirkiisa Arimaha Gudaha taasi oo uu uga gol leeyahay inaanu ka fogaan kursiga Kulmiye oo uu danihiisa gaarka ah ugu sii fushadu maadaama oo ay saaxiib dhaw yihiin Maxamed Kaahin islamarkaana aanu kala fogayn Xisbiga.

Marka la gaadho Bisha October oo loo ballansan yahay Shirweynaha Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, waxa su’aal weyni ka taagan tahay qaabka iyo sida uu ku dambayn doono muuqaalka Xisbiga Kulmiye, waxaana si weyn loo saadaalinayaa saamaynta uu shirkaasi ku yeelan doono Is-bahaysigii siyaasadeed ee u dhexeeyay Beelaha Bariga  Burco iyo Galbeedka iyo Woqooyiga Hargeysa, waxa sidoo kale isha lagu hayaa islamarkaana wal wal laga qabaa saamaynta uu yeesho cidda lagu wareejiyo Kursiga Gudoomiyaha Kulmiye oo muddo badan la hadal hayay sida uu Madaxweyne Muuse u wareejin doono iyo in uu isagu ku sii dhegsanaan doono mansabkaasi.