Ciidamada Booliska Somaliland Oo Hawlgalo Ka Sameeyey Magaaladda Laascaanood

0
345

Ciidamada Booliska Somaliland ee gobolka Sool ayaa habeenimadii xalay magaaladda Laascaanood ka sameeyey hawlgalo kala duwan oo lagu adkaynaayo nabadgelyadda.

Hawlgalkan oo uu hogaaminaayey taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni ayaa lagu soo qab qabtay mukhaadaraad tiro badan iyo weliba dad si sharci daro ah hub ugu sitay gudaha magaaladda Laascaanood.

Taliyaha oo ka hadlay hawlgalkan ay ka sameeyeen gudaha magaaladda Laascaanood ayaa sheegay in ay sii wadayaan hawlgalkan iyo hawlgalo kaleba, isla markaana ay diyaar u yihiin sugida amaanka magaaladda.

Waxa uu taliyuhu sheegay in intii ay ku jireen Hawlgalkan ay ururinayeen, isla markaana ilaalinayeen Mukhaadaraadka, hubka sharci darada ah, sida baastooladaha iyo qoryaha iyo baangadaha ay dhalinyaradda kooxa ahi sitaan, waxaanu tilmaamay in ay baadhitaano ka sameeyeen meelihii ay ku tuhunsanaayeen waxyaalahaas amni darada keenaaya oo dhan.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Sool Gaashaanle Dhexe Maxamed Saleebaan Gooni oo dadweynaha magaaladda Laascaanood ku nool baaq u diray ayaa kula dardaarmay dadka in ay amniga ilaashadaan, isla markaana ay ciidamada gacan weyn ka siiyaan sugida amniga, isaga oo sidoo kalena dadka faraha kula jira waxyaalaha amniga waxyeelaaya usoo jeediyey in ay ka fogaadaan waxyaalaha ay faraha kula jiraan.