Jaamac-shabeel Muxuu Ka Yidhi, Xafiiska Dawladda Taiwan Ka Furatay Somaliland ?

0
337

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-shabeel), ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan Xafiiska ay Dawladda Taiwan ka furatay Somaliland, waxaanu sheegay ayaa-daro ku tilmaamay in Dawladda Soomaaliya ay sheegato dal aanay xukumin, awood ay wax kaga qabatana aanay lahayn.

Siyaasi Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac Shabeel), oo u warramay Wargeyska Geeska Affrika ayaa ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Waan soo dhaweeynayaa, oo waxaan leeyahay gacmo furan baan ku soo dhaweeynayaa inay Taiwan xafiis ka futaro Somaliland, balse waa ayaan daro inay Soomaaliya awood aanay lahayn is-bido, tallaabo aanay ka qaadi karina Somaliland ay sheegato, waxaanu leeyahay Maamulka Muqdisho, Somaliland waxba kama qaadi kartaan ee xadkiina ha soo dhaafina, Somaliland inay xidhiidh la yeelato Taiwan iyo Waddan kasta oo ay danteeda ka dhex aragto xidhiidh way la yeelanaysaa, ,Soomaaliya iyo cid kale oo hor istaagi kartaana ma jiraan”