Dawladda Shiinaha Oo Si Cadho Leh Uga Hadashay Xafiiska Ay Taiwan Ka Furatay Somaliland

0
359

Jamhuuriyadda Dadka ee Shiinaha ayaa ka hadashay Safaaradda Dalka Taiwan uu Toddobaadkan ka furtay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinaha Zhao Lijian oo daba socda Safaaradda Taiwan ka furatay Somaliland ayaa sheegay in Dunida uu ka jiro Hal Shiine, Taiwana tahay Qayb ka mid ah oo aan laga maarmi Karin.

Afhayeenka oo ka hadlayey Shir-saxafadeed ay si Maalin leh ah u qabato Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Shiinuhu ayaa yidhi “Dunida waxa ka jira Shiinaha oo kaliya, Gobolka Taiwana waa qeyb aan laga maarmi Karin.”

Afhayeenku waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in Midnimada Shiinuhu Muqadas tahay, mabda’ ahaan Caalamku aqoonsan yahay Hal Shiine “Hal Shiine ah waa mid caalami ahaan la aqoonsan yahay.”ayuu yidhi, waxaanu hadalkiisa raaciyey in isku day kasta oo Xisbiga Ka taliyaha Taiwan ee DPP uu ku doonayo inuu ku kala qaybiyo Shiinuhu uu fashilmayo.

Sidoo kale, Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka soo horjeedda Madax-banaanida Somaliland ayaa Shalay War-saxaafadeed ay soo saartay waxay ku cambaaraysay Xafiiska diblumaasiyadeed ee Isniintii Taiwan ka furatay Magaalada Hargeysa.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Dawladda Soomaaliya ayaa waxay ku sheegtay inay qaadayso Tallaabooyin sharci oo ay ku ilaalinayso waxay ugu yeedhay Midnimada Dhuleed Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqday Taiwan inay joojiso waxay ka waddo Somaliland.

Ugu dambayn, dagaallada diblumaasiyadeed ee Shiinaha iyo Soomaaliya ayaa bilaabmay horaantii bishii July 2020 oo Somaliland iyo Taiwan si rasmiya u kala saxeexdeen Heshiis Iskaashi.

Somaliland iyo Taiwan ayaa iswaydaarsaday Diblumaasiyiin u kala joogaya Magaalooyinka Hargeysa iyo Tiapea, waxaana markiiba Taiwan ay hirgelisay Xafiiskeeda Hargeysa, halka Somaliland-na sheegtay inay diyaarinayso Xafiiskeeda Caasimadda Taiwan ee Tiapea.

Tallaabooyinkaasi ayaa ka cadhaysiiyey Soomaaliya oo aaminsan in Somaliland ka mid tahay dhul-weynaha Soomaaliya iyo Shiinaha oo aaminsan Taiwan ka mid yahay.