Wasiirka Sirdoonka Israa’iil Oo Shaaciyay Magacyadda Dalal Carbeed Ee Xidhiidh Toos Ah La Sameysanaya

0
392

Baxrayn iyo Cumaan ayey u badan tahay inay noqdaan wadamada ku xiga Imaaraadka Carabta ee xidhiidh toos ah la sameysta Israa’iil, waxaa sidaas shaaca ka qaaday wasiirka sirdoonka Israa’iil oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

“Heshiiska aan la galnay Imaaraadka kadib waxaa imaan doona heshiisyo kale, waxayna ka imaan doonaan dalal kale oo ku yaalla gacanka carbeed iyo wadamada muslimka ah ee Africa,” ayuu yidhi Eli Cohen.

“Waxaan u malaynayaa in Bahrain iyo Oman ay ajandaha ku jiraan. Waxaa jira fursad sannadka soo socda aan heshiis kula saxeexan doonno wadamo ku yaalla Africa, oo ay ugu horeyso Sudan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Bahrain iyo Oman ayaa ammaanay heshiiska ay gaadheen Imaaraadka iyo Israa’iil, inkastoo aanu labadooda midna ka hadlin in ay dib usoo celin doonaan xidhiidhkoodii Israa’iil.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa la kulmay hogaamiyeyasha Sudan iyo Oman labadii sanno ee lasoo dhaafay.